Seddexdii Xiddig Ee Sababta U Ahaa Guuldarada Barcelona,

Barcelona labo musiibo ayaa isagu darsantay kulankii ay ay guuldarada ka soo gaartay Atletico Madrid ee ka dhacay Wanda Metropolitano, iyadoo 1-0 lagu dilay islamarkaana dhaawacyo ay ka soo gaareen xiddigo laf dhabar u ah.

Gerard Pique ayaa dhaawacmay isagoo oohin uga baxay garoonka ka dib markii Correa uu ku dul dhugay lugtiisa. Markii hore ayay Barcelona qabtay daafac yari iyadoo De Jong uu haatan ku qasbanaan doono inuu daafac dhexe ka garab dheelo Clement Lenglet. Waxaa isna sidoo kale dhaawac noqday Sergi Roberto.

XIDDIGA GAROONKA – YANNICK CARRASCO (ATLETICO MADRID)

Dad badan ayaa la yaabay markii uu Carrasco ku soo laabtay Atletico Madrid bishii Janaayo, laakiin xiddiga reer Belgium ayaa fure u noqday kooxda ka dhisan caasimada Spain.’

Wuxuu Barcelona u abuuray dhibaato isagoo qabsaday garabka bdiix ee garoonka, wuxuu dhaliyay goolka guusha dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta markii Ter-Stegen uu ka soo baxay goolka. Carrasco ayaa ahaa xiddiga ugu halista badan Atletico wuxuuna cadeeyay sababta uu tababare Simeone ugu kalsoon yahay isaga.

XIDDIGAHA BARCELONA GUULDARADA U HORSEEDAY

Goolhaye Marc ter-Stegen ayaa qaadanaya eeda guuldaradii Barcelona ka soo gaartay Atletico Madrid madaama uu qalad weyn ku lahaa goolkii Carrasco, laakiin waxaa isna si liidata u dheelay daafaca Lenglet kaasoo soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu xumaa xilli ciyaareedkan halka da’ yarka Pedri uu kulankaan ku dhex lumay isagoo aan waxba ku soo kordhinin kooxda.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Atlético Madrid – Oblak 6, Trippier 6, Savic 7, Gimenez 7, Hermoso 6, Llorente 7, Koke 8, Saúl 7, Carrasco 8, Felix 7, Correa 7.

Bedel – Kondogbia 6, Costa 6, Felipe 3, Lemar 5.

Barcelona – Ter Stegen 3, Roberto 5, Pique 5, Lenglet 4, Alba 5, Pjanic 5, De Jong 6, Dembele 7, Messi 5, Pedri 4, Griezmann 5.

Bedel – Dest 6, Trincao 3, Braithwaite 3, Coutinho 5.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More