Arsenal Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Leicester Oo Jabisay

Arsenal ayaa gurigeeda Emirates Stadium lagu garaacay ka dib kulan adag oo ay la ciyaareen kooxda Leicester City kuwaasoo markii ugu horeysay abid ku badiyay garoonka Emirates Stadium kulan horyaalka ah, waana markii ugu horeysay muddo 47 sannadood ah oo ay Leicester ku badiso garoonka Arsenal.Xaqii laga galay Mesut Ozil ayaa soo dilaacay iyadoo Arsenal uu ka maqnaa hal abuur dhanka weerarka ah taasoo keentay in Leicester City ay qeybtii labaad hesho goolka guusha iyadoo uu u saxiixay Jamie Vardy oo ciyaarta bedel ku soo…

Lix Bilood Oo Uu Xabsi Iyo Xabsi Guri Uu Ku jiray Ka Dib

Halyeeyga reer Brazil Ronaldinho ayaa la ildaran xanuunka Korona Fayras sida uu isagu xaqiijiyay.Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa inta badan sannadkan 2020 ku qaatay xabsi ku yaala dalka Paraguay ka dib markii lagu qabtay baasaboor been abuur ah.Laakiin haatan sabab taas ka duwan ayuu karantiil u geli doonaa ka dib markii laga helay Korona Fayras.Ronaldinho oo 40 sanno jir ah ayaa laga helay cudurka ka dib markii uu tagay magaalada Belo Horizonte ee dalka Brazil Sabtidii.Wuxuu haatan karantiil ku galayaa magaalada Belo…

“Cristiano Ronaldo Ayaa Ka Fiican Lionel Messi, Laakiin Ma

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ka fiican yahay Lionel Messi, laakiin waxa uu sheegay inuu isagu weli yahay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta.79 jirkaan oo heysta rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan abid kubada cagta ayaa aaminsan in xiddigahaan da’da yar aysan isaga u soo dhaweyn.Inkastoo qaar ka mid ah goolashiisa gaaraya 1281 gool uu ka dhaliyay kulamo aan rasmi ah oo saaxiibtinimo hadana xiddiga seddexda jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa weli ku jira dooda ku saabsan xiddigii…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Leicester City – Arteta Oo

Arsenal ayaa caawa garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelineysa kooxda Leicester City iyagoo rajeynaya inay wadada guusha ku soo noqdaan ka dib guuldaradii Manchester City ka soo gaartay isbuucii la soo dhaafay.Labada kooxood ayaa ka soo kabtay guuldaradii ka soo gaartay Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, iyagoo guulo ka gaaray kulamadoodii Europa League.Arsenal ayaa dib u heshay Dani Ceballos kaasoo dhaawac ku seegay kulankii Europa League ee ay 2-1 kaga badiyeen Rapid Vienna. Willian ayaa dhaawac ku maqan…

Real Madrid Oo Sii Magacowday 21ka Xiddig Ee Champions

Real Madrid ayaa durbaba magacowday xiddigaheeda Talaadada u safraya kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengaldbach ee Champuons League iyadoo Eden Hazard loo soo yeeray kulanka Jarmalka ka dhacaya.Xiddiga reer Belgium ayaan ciyaarin xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac cusub oo soo gaaray. Dhaawacyo ayaa hareeyay xiddigaan tan iyo markii uu tagay Real Madrid iyadoo dhibaatooyin uu ka qabo canqowga ay keentay inuu kaliya 22 kulan safto xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.Hazard ayaa tababar la qaatay kooxda inteeda kale maanta oo…

Saxiixa Cusub Ee Arsenal Thomas Partey Oo Lagu Qasbay Inuu

Saxiixa Arsenal Thomas Partey ayaa lagu qasbay inuu hees u qaado ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka Leicester City ee caawa iyadoo dhaqanka uu yahay in xiddig walba oo cusub uu hees u qaado ciyaartoyda uu u imaanayo.Xiddiga khadka dhexe ee Ghana Thomas Partey ayaa ciyaartoyda sacab ka keenay ka hor kulanka caawa ee Leicester City iyadoo la filayo inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.Partey oo 27 sanno jir ah ayaa heshiis 50 milyan euro uga soo wareegay kooxda Atletico Madrid maalintii ugu danbeysay…

Kooxdii Hogaamineysa Horyaalka Premier League Oo Dhulka Lala

Southampton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed dhameystiran iyagoo soo gabagabeeyya rikoodhkii guuldarro la’aanta Premier League ee Everton iyagoo ku garaacay 2-0 kulankii ka dhacay maanta garoonka St Mary’s.Goolal ka kala yimid James Ward-Prowse iyo Che Adams ayaa ka caawiyay kooxda Southampton inay dhulka la jarto kooxda hogaamineysa horyaalka, iyadoo tababare Ralph Hassenhuttl uu ku qancay qaabka ciyaareedka dhameystiran ee ay soo bandhigtay kooxdiisa.Kooxda Everton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed laga niyadjabo iyagoo…

Ma Doonayo!! Xiddig Man City Ah oo Diidaya Dhammaan

Da’yarka daafaca kooxda Manchester City ee Eric Garcia ayaa la xusayaa inuu aad u doonayo inuu ka baxo kooxdaas kuna biiro dhinaca Barcelona isaga oo samayn doona waxkasta oo macquul ah si uu suurogal uga dhigo midaas.Sida ay sheegayaan warbixino cusubi, Garcia ayaa diidi doona dhammaan qorshayaasha ay kooxdiisu ku doonayso inay ugusii hayso Etihad Stadium si uu dhinaca Camp Nou ugu koox bedesho.Horraantii sanadkan ayay ahayd markii tababaraha Sky Blues ee Pep Guardiola uu si cadaan ah u sheegay in Eric Garcia uusan doonayn…

Paul Pogba Oo U Kala Tarjumay Edinson Cavani & Ole Gunnar

Paul Pogba ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen Chelsea si la mid ah saxiixa cusub Edinson Cavani iyadoo ay markaas Manchester United raadineysay goolka guusha.Goolka ma uusan imaanin laakiin bedelka uu sameeyay tababare Solskjaer ayaa toosh ku iftiimiyay awooda luqadeed xiddiga khadka dhexe Paul Pogba kaasoo ku hadli kara luqado dhowr ah.Pogba ayaa la arkayay isagoo u kala tarjumaya Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani, madaama xiddiga reer Uruguay uusan ku hadli karin…

Shaxda Rasmiga Ee Man United vs Chelsea – Solskjaer Oo

Kulan adag ayaa caawa loogu balansan yahay garoonka Old Trafford iyadoo Manchester United ay soo dhaweyneyso kooxda ay ku xafiiltamayaan afarta kaalimood ee ugu sareysa ee Chelsea.Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaan weli ku badinin garoonkooda xilli ciyaareedka halka kooxda Frank Lampard ay u baahan tahay inay horumar ka sameeyaan dhanka daafaca madaama laga dhaliyay sagaal gool shan kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.Kulanka caawa waa mid xiiso badan iyadoo labada kooxood ay si weyn u doonayaan guusha.Kabtan Harry…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More