Lionel Messi Oo Aad U Doonayay Inuu Jose Mourinho La

Kabtanka haatan ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo macalinka wakhtigan ee kooxda Tottenham ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inay taleefan wakhti dheer qaatay ku wada hadleen 16 sano kahor iyagoo xilligaas midoobi karayay.Lionel Messi ayaa ahaa mid ay aad uga go’antahay inuu Jose Mourinho kula biiro kooxda Chelsea oo uu wakhtigaas hoggaaminayay mudo gaaban kaddib markii uu FC Porto Champions League kula soo guuleystay.Jose ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo kusoo shaqeeyay dhammaan duruufihii…

Man United Oo Ku Dhawaaqday Liiska Champions League Ee

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday liiska kooxdeeda ee uu soo xushay tababare Ole Gunnar Solskjaer ee ay kaga qayb galayaan UEFA Champios League iyadoo ay jiraan xiddigo dhawr ah oo waaweyn oo ka maqani.Xiddigaha muhiimka u ah kooxdaas ee la filayay inay ku jiri doonaan ayaa sidii caadiga ahayd kusoo baxay waxaana kamid ah Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.Laakiin saddexda ciyaaryahan ee ka maqan xulashada tababaraha ree Norway ayaa ah goolhaye Sergio Romero oo xulashada Red Devils hoos uga dhacay,…

Ma Durtaba? Edinson Cavani Oo Sheegay Inuu Man United Ka

Weeraryahanka cusub ee kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa shaaca ka qaaday inuu xilli horeba ka fikirayo inuu iskaga tago kooxdaas maalmo kaddib markii uu kusoo biiray.33 sano jirkan ayaa kusoo biiray Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga kaddib markii heshiiskiisii Paris Saint-Germain uu dhacay bilooyin kahor.Haatan Cavani oo ay taageerayaasha Man United wax weyn ka filan karaan isla markaana la siiyay lambarka sumada ka ah kooxdaas ee No.7 ayaa banaanka keenay rabitaankiisa ah inuu…

Mid Kamida Xiddigaha Arsenal Ugu Muhiimsan Oo Seegaya

Daafaca kooxda Arsenal ee Kieran Tierney oo kamida xiddigaha ugu muhiimsan shaxda tababare Mikel Arteta ayaa si rasmi ah u seegi doona kulanka ay kooxdiisu booqan doonto dhigeeda Manchester City ciyaar ka tirsan Premier League marka kulamada caalamiga ah laga soo noqdo.Sababta qasbaysa inuu maqnaado Tierney kulankaas ayaan ahayn dhibaato uu isagu qabo balse ah in xanuunka Korona Fayras laga helay qaar kamida xiddigaha xulka Scotland taas oo ka dhigan inuu karantiin geli doono.Khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Staurt…

Waa Kuwan LABADA Xiddig Ee Man United Ka Tirsan Ee Uu Jose

Kooxda Tottenham ee uu hoggaanka u yahay tababare Jose Mourinho ayaa Axadii toddobaadkan guuldarro fadeexad ah dhabarka usoo saartay kooxda Manchester United oo ay ku booqdeen gegida Old Trafford.Sida ay sheegayso warbixin cusub oo hadda la helayaa, mid kamida sababihii ay Spurs kulankaas ku guuleysteen ayaa ahayd inuu Jose oo aqoon fiican u leh kooxdiisii Man United uu u sheegay laba xiddig oo ay gaar u bar-tilmaameedsadeen ciyaaryahanadiisa Tottenham.Labada boos ee uu Jose u sheegay inay bar-tilmaameed ka dhigtaan…

Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Yurub Ilaa Haatan, Ronaldo Iyo

Xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa dhawaan si rasmi ah u bilaabmay, si lamid ah sida ay u bilaabmeen horyaalada ugu waaweyn Yurub waxa sidoo kale bilaabmay tartamada shaqsiga ah oo ay ugu horreyso dhinaca gool dhalintu.Waxa haatan lasoo xulay xiddigaha ugu goolasha badan guud ahaan Yurub tartamada oo dhan iyadoo aysan goolashani kaliya ku koobnayn koobabka horyaalada waxaana hoggaanka u haya gool dhaliyaha Everton ee Dominic Calvert-Lewin.Calvert-Lewin ayaa xilli ciyaareedkan si layaab leh u hoggaaminaya kooxdiisa Everton oo…

Barcelona Oo Qoomamo Ka Qabta Inay Lionel Messi Kahor

Sida uu sheegayo Xavier Sala-I-Martin oo ahaa shaqsi hore arrimaha dhaqaalaha ugu qaabilsan kooxda Barcelona, Barca ayaa dhibaato ku mudanaysa inay suuqii xagaagan joojiyeen kabtankooda Lionel Messi oo bixitaan doonayay.Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Argentina ayaa doonayay inuu iskaga tago Camp Nou isaga oo aad uga cadhaysnaa qaabka kooxda loo maamulo walow uu ugu dambayn ku negaaday.Messi ayaa si lama filaan ah madaxda sarre ee Barcelona uga codsaday inay iska fasaxaan wax yar kaddib markii ay natiijada 8-2 ah ee…

Daafaca 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo La Qiimeeyay,

Horyaalka Premier League ayaa haysta qaar kamida weeraryahanada ugu wanaagsan guud ahaan dunida kubadda cagta waxaana kamid ah Mo Salah, Sergio Aguero, Pierre Emerick-Aubameyang iyo Harry Kane.Marka laga wada hadlayo weeraryahanada ee laga doodayo inta ay ugu caansan yihiin Ronaldo iyo Messi, waxa si sahlan lagu ilaawaa shaqada daafacyada fududeeya in xiddigaha kooxdoodu ay weerar qaadaan.Haatan iyadoo uu suuqa kala iibsigu xidhnaan doono ilaa bisha January, waa wakhtigii ku haboonaa ee la xusi lahaa afarta daafac ee ugu…

Liiska Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Arsenal Oo Lasoo

Lacag intee le’eg ayaa ku baxday Thomas Partey mushahar ahaan? su’aashaasi waa mida ay jamaahiirta kubadda cagtu is weydiinayaan kaddib markii ay Arsenal xalay si rasmi ah u dhammaystirtay saxeexa kubad-dilaha ree Ghana.Arsenal ayaa lacag 45 Milyan oo Pound ah kagala soo wareegtay Atletico Madrid 27 sano jirkaas xilli uu Lucas Torreira dhinaca kale amaah ugu biiray.Partey ayaa heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay Arsenal isagoo mushahar ahaan toddobaadkii jeebka ku shuban doona lacag 200 Milyan oo Pound ah balse lacagtaas…

Shaxda Lama Filaanka!! Saxeexyadii Aan Cidina Ku Fikirin

Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ee sanadka 2020 gaar ahaan midka xagaaga ayaa xalay si rasmi ah usoo xidhmay, suuqan ayaa ahaa mid layaab leh iyadoo xanuunka Korona uu saamayn dhinaca dhaqaalaha ah sameeyay.Kooxaha qaar ayaa ahaa kuwo aan u joojin saamayntaasi dhaqaale waxaana tusaalaha ugu fiican ah kooxda Chelsea oo toddoba saxeex oo kooxda koowaad ah samaysay iyagoo bixiyay in ka badan lacag £230 Milyan.Laakiin Chelsea ayaan ahayn kooxda kaliya ee suuqa kaga yaabsatay jamaahiirta kubadda cagta waxaana tusaale kala ah…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More