Daafaca Manchester City qaabka amaahda ah kaga maqan ee Angelino oo jooga kooxda ree Germany ee RB Leipzig ayaa dhulka la galay kooxda uu xifaaltanku kala soo dhaxeeyay ee Man United oo uu Champions League kaga hortagi doono.Man United ayaa Champions League hal Group kala tirsan kooxda ree Germany isla markaasna Old Trafford kulanka hore kusoo dhawayn doonta dhammaadka bishan.RB Leipzig ayaa xilli ciyaareedkii hore wareega afar dhammaadka kaga hadhay Champions League oo ay Paris Saint-Germain ka reebtay, Angelino ayaa dib…
“Sidaan Doonayo Waxba Uma Socdaan” – Xiddig Chelsea Ah Oo
Daafaca bidix ee kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa shaaca ka qaaday sida uusan ugu qanacsanayn waxa ka socda kooxdaas balse uu taas bedelkeeda wanaag ku dareemo marka uu joogo xulkiisa qaranka Talyaaniga.Emerson ayaan ilaa hadda kulan horyaalka ah u ciyaarin Chelsea isaga oo dookha saddexaad ka ah booskiisa kana dambeeya saxeexa cusub ee Ben Chilwell oo kooxda 50 Milyan oo Pound ku yimid iyo Marcos Alonso.Emerson ayaa lala xidhiidhinayay inuu dib ugu laaban doono horyaalka dalkiisa Talyaaniga oo uu Inter Milan kula…
Macalinkii Arsenal Ee Arsene Wenger Oo Ugu Dambayn Sharaxaad
Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si faah-faahsan uga warramay qaabkii ay kooxdiisu ku seegtay saxeexa halyeeyga Manchester United ee Cristiano Ronaldo oo hadda dad badani u arkaan midka ugu wanaagsan abid kubadda cagta caalamka.Wenger ayaa sheegay in weeraryahanka Juventus ee haatan uu heshiis la gaadhay Arsenal kahor intii aysan saxeexiisa ka af-duubanin kooxdii Sir Alex Ferguson ee Man United.Ronaldo ayaa inta ugu badan darajadiisa halyeeynimo ku samaystay kooxda Real Madrid balse bilawga waayihiisa…
Mushaharka Uu Sanadkii Cristiano Ronaldo Ka Qaato Juventus &
Xaqiiqada ah in weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka Serie A ayaan wax layaab leh kugu noqon doonin balse arrinta fajaca leh ayaa ah inay horyaalkaas ka ciyaaraan kooxo uu ka ciyaaryahan ahaan ka dakhli badan yahay sanadkii.35 sano jirkan ayaa Juventus sanadkii mushahar ahaan uga hela lacag 31 Milyan oo euro ah, afarta kooxood ee kala ah Hellas Verona, Udinese, Spezia iyo Crotone ayaa ah kuwa hela lacag lamid ah ama ka hooseysa mida CR7.Dhab ahaantii xogtan oo laga…
Maxay Tahay Qirashada Layaabka Leh Ee Uu Kulankii Aston
Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa qaab lama filaan ah uga hadlay kulankii ay kooxdiisu dhawaan guuldarrada culus ee 7-2 ah dhabarka u saartay dhigeeda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool oo Villa Park kusoo booqatay.Grealish ayaa kulankaasi lagu sifayn karaa inuu soo sameeyay bandhigiisii ugu fiicnaa abid inta uu garoomada ku jiray maadaama oo uu shan gool ka qayb qaatay oo uu laba gool iyo saddex caawimo soo sameeyay.Guushaas ayaa ka dhigan in Aston Villa ay ilaa hadda 100% guul ah ku socoto dhammaan…
Marcus Rashford Oo Kabo Khaas Ah Xidhan Doona Kulanka
Da’yarka kooxda Manchester United ayaa caawa kulanka uu xulkiisa qaranka England la yeelanayo dhigiisa Belgium xidhan doona kabo khaas ah oo uu ku xardhanaan doono qoraal lagu dhiirigelinayo kaddib caawin halyeeynimo oo uu dalkiisa ka sameeyay.Xiddiga Manchester ayaa Jimcihii la siiyay abaalmarinta MBE ee khaaska ah ee ay bixiso boqorada England iyadoo laga abaalmarinayo dedaalkiisii caruurta yar yar ee dalkaas ee uu ugu gar-gaaray in cuno bilaash ah la siiyo xilli dawladu ay ka jaraysay.Rashford ayaa xidhan doona kabo ay ku…
Bruno Fernandes Oo Runta U Sheegay Solskjaer, Wixii Uu Ku
Waxa warar cusubi kasoo baxayaan wixii ka dhacay qolka labiska kooxda Manchester United wakhtigii nasashada ee kulankii ay dhawaan bahdilaada kala kulmeen kooxda Tottenham iyo waliba sababtii loo bedelay xilligaas Bruno Fernandes.Fernandes ayaa daqiiqadii 2-aad ee kulanka hoggaanka u dhiibay kooxdiisa balse kooxda martida loo ahaa ayaa afar gool qaabishay kahor wakhtigii nasashada iyadoo Anthony Martial daqiiqadii 28-aad casaan loo taagay.26 sano jirka ree Portugal oo caan ku ah dareenkiisa hoggaamiyenimo ayaan ka gaban inuu…
Waatan Shuruuda Kaliya Ee Ay Tahay In Man United Ay Buuxiso
Daafaca dhexe ee kooxda Red Bull Leipzig ee Dayot Upamecano ayaa la filayaa inuu noqon doono mid suuqa aad looga doonayo xagaaga sanadka dambe marka uu dhaqan galo qoddobka la wada sugayo ee qiimaha heshiiskiisa hoos u dhigayaa.Xiddigan soo kacaya ayaa xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay qaab ciyaareed wanaagsan soo muujinayay isaga oo loo arko mid kamida daafacyada da’yarta ah ee ugu wanaagsan Yurub.Upamecano oo 22 sano jir ah ayaa kooxda tababare Julian Nagelsmann wacdarro kusoo dhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo kasoo…
Iker Casillas Oo Sharaxaad Macquul Ah Ku Kala Saaray Messi
Halyeeyga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa sharaxaad faah-faahsan ka bixiyay kala duwanaanshaha Cristiano Ronaldo oo ay Madrid soo wada joogeen iyo ninka ay mudada dheer soo xifaaltamayeen ee Lionel Messi oo Barcelona ka tirsan.Waraysi uu siinayay il-wareedka ESPN, goolhayaha halyeeyga ah ayaa ka hadlay waxyaabo badan sida wadne-xanuunkii haleelay sanadkii hore ee 2019 iyo waliba kala duwanaanshaha Messi iyo Ronaldo.Casillas ayaa kubadda cagta ka hawl-gabay horraantii sanadkan kaddib markii uu…
“Asensio Guriga Ayuu Joogaa Oo Fadhiga Ayuu Ku Daawanayaa
Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa qaab lama filaan ah uga faalooday xiddigiisa xulkaas iyo kooxda Real Madrid ee Marco Asensio oo uusan usoo xulan qaranka kulamadan caalamiga ah ee hadda socda.Asensio ayaa xilli ciyaareedkan laba jeer u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid halka uu laba kulan oo kale ku seegay barar jilibka ah balse qaabka uu macalinka Asturian-ka ahi uga hadlay xiddiga Mallorca kasoo jeeda ayaa u muuqata mid wax badan sheegaya.Enrique oo wax laga weydiiyay Asensio ayaa u muuqday mid ka…
