Jose Mourinho Oo Magacaabay Shaxda Xiddigihi Ugu Fiicnaa Ee

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday shaxda xiddigihii ugu fiicnaa ee uu abid tababare u noqday, isagoo shaxdiisa ka ilaaliyay xiddigaha Manchester United.

The Special One ayaa loo magacaabay tababaraha Man United bishii May 2016 laakiin inkastoo uu ku guuleystay Europa League iyo Carabao Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay, taageerayaasha marnaba ma aysan soo dhaweynin.

Mourinho ayaa laga ceyriyay Old Trafford bishii December 2018, iyadoo waqtigiisii kooxda ay saameyn ku yeelatay isku dhicii isaga iyo Paul Pogba.

Sidaasi darteed xiddiga Faransiiska boos kama helin shaxda xiddigii ugu fiicnaa ee uu tababare u noqday, sida ay sheegtay jariirada AS.

Xiddigo badan oo waa weyn ayaana ka maqan madaama uu Mourinho la soo shaqeeyo xiddigo waa weyn oo aan hal shax lagu soo koobi karin.

Sergio Ramos, David de Gea, Iker Casillas iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa soo geli kara shax walba oo la magacaabo laakiin haatan kama mid ahan shaxda Mourinho.

Goolka waxa uu Mourinho u magacowday Petr Cech oo ahaa goolhayihiisa koowaad mudadii ay isla joogeen Chelsea.

Daafaca waxaa ka soo muuqday John Terry iyo Ricardo Carvalho oo ahaa labadii darbi ee Mourinho uu ku tashan jiray waqtigiisii Blues, halka William Galas oo Chelsea uu macalin ugu ahaa iyo Javier Zanetti oo uu Inter Milan tababare ugu ahaa ay garbaha daafaca ku soo baxeen.

Zanetti ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee Inter Milan ee ka soo muuqday shaxdiisa iyadoo Mourinho uu Inter tababare u ahaa intii u dahxeysay 2008 ilaa 2010, isagoo la qaaday seddexda koob oo Champions League uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii ugu danbeeyay.

Chelsea ayaa saameyn xoogan ku leh shaxda Mourinho.

Claude Makelele ayaa fadhiya booska burburiyaha khadka dhexe. Frank Lampard ayaa ka horeeya iyo xiddiga Arsenal laga ceyriyay Mesut Ozil oo uu Mourinho tababare ugu ahaa Real Madrid intii u dhaxeysay 2010 iyo 2013.

Eden Hazard iyo Cristiano Ronaldo ay garabaha weerarka ka soo muuqday iyagoo caawinaya gooldhaliyihiisii ugu fiicnaa abid Didier Drogba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More