Waa Kuma Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee Jamaahiirtu Jecel

Goolhayaha dookha saddexaad ee kooxda Manchester United ee Sergio Romero ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxda ka baryi doono inay qaab bilaash ah iskaga fasaxaan suuqa bisha January ee soo socda.

Romero ayaa mudo dheer kaabis usoo ahaa goolhaye David De Gea tan iyo sanadkii 2015 markii uu qaabka bilaashka ah ugaga soo biiray dhinaca Sampdoria.

Romero ayaa ahaa mid ciyaara kulamada koobabka ah sida FA Cup, Carabao Cup iyo ciyaaro Europe League ah balse doorkaas ayuu xilli ciyaareedkan ku qabsaday Dean Henderson oo kasoo laabtay amaah guuleysatay oo uu Sheffield United ku joogay.

Romero ayuu Ole Gunnar Solskjaer ula dhaqmay qaab adag isaga oo ka reebay liiska xiddigaha kooxda uga qayb gelaya Champions League iyo Premier League.

Goolhayaha ree Argentina oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa goolhayaha kaabista ah ee ugu fiican Premier League ayuu hadda wargeyska The Sun sheegayaa inuu tababar kaligii samaynayo.

33 sano jirkan ayaa taam ahaanshihiisa jidh ahaaneed ilaalinaya isaga oo rajaynaya in Man United ay qaab bilaash ah ku fasaxi doonto bisha January.

Sergio oo toddobaadkii lacag £100,000 ah mushahar ahaan uga qaata Old Trafford ayaa doonaya inuu xataa 1.5 Milyan Pound la siin lahaa ka tanaasulo si bixitaan loogu ogolaado.

Romero ayaa ah mid ay jecel yihiin jamaahiirta Man United maadaama oo uu wax muuqda usoo qabtay koobabna usoo qaaday sanadaha uu la joogay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More