Geesinimadii Klopp, Doodda Jesus Ee Sii Socota Iyo SHANTII
Manchester City iyo Liverpool ayaa ku kala baxay barbarro 1-1 ah kulankooda koowaad ee xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League, kaas oo naadi walba u kordhiyey hal dhibic oo kaliya.
Reds ayaa daadihinaysay bilowgii hore ee ciyaarta, waxaanay u qalmaysay inay hoggaanka qabato, iyadoo uu taasna u hirgeliyey Mohamed Salah oo rikoodhe u saxeexay.
Laakiin City ayaa saacad badhkeed markii ay ciyaartu socotay waxa uu kooxdiisa u keenay goolka barbarraha iyadoo uu xerada ganaaxa ku gujiyey kubbad uu ka hoos saaray Alisson Becker.
City ayaa hadiyad loo siiyey inay hoggaanka ciyaarta qabato qaybtii hore, waxaana laag xor ah loo dhigay Kevin de Bruyne balse waxa uu kubadda garab mariyey birta.
Qaybta dambe ayaa ahayd mid ay labada kooxoodba aad u taxadarayeen oo khatarteeduna ay ka sahlanayd sidii hore, waxaanay awoodi waayeen inay wax ka beddelaan natiijada qaybtii hore.
Shan arrimood oo xiise leh ayaa laga diiwaangeliyey intii ay socotay ciyaartu, waxaanay wada taabanayaan tababareyaasha, ficilladii ciyaartoyda iyo dhacdooyinkii kale ee garoonka.
1. Premier League wuxuu marayaa halkii ugu wanaagsanayd
Kulanka labadan kooxood wuxuu inta badan yahay mid aan caajis ahayn oo ay si fiican u madadaaliyaan daawadeyaasha, mar kale ayaanay caawa sidii oo kale ka sameeyeen horyaalka Premier League.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd midda xiisaha leh ee labada kooxood ay sida adag u wada halgameen, isla markaana weerarka badan iyo xarakaadku uu jiray.
Khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher oo kulankan kasii hadlay ayaa saadaaliyey waxyar ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartu in inkasta oo Leicester City ay hoggaanka haysto, Tottenham na kusoo xigto, in haddana Liveprool iyo Manchester City ay yihiin labada kooxood ee horyaalka ku xafiiltami doona sannadkan.
Heerka tayada ciyaarta ay labada kooxood kusoo bandhigeen Etihad Stadium ayaa ahaa mid sarraysay oo qancinaysay.
2. Geesinimadii Klopp
Tababaraha Liverpool ayaa si geesinimo leh usoo afjaray dooddii toddobaadka dhan socotay ee ahayd midka uu kaydka dhigi doono Roberto Firmino iyo Diogo Jota, taas oo waliba laga soo dhex-saarayay sheeko kale oo ahayd in midkooda kusoo bilowda uu yahay kan kalsoonida ugu badan uu ku qabo tababaraha reer Germany.
Klopp ayaa u badheedh in iyadoo uu la ciyaarayo Man City oo awooddeeda ugu badan ay khadka dhexe tahay, in haddana uu laba ciyaartoy khadkiisa dhexe kusoo koobo, isla markaana afar weeraryahan ku ciyaaro si uu meesha uga saaro doodda Firmino iyo Jota.
Shaxda uu ku ciyaaray oo ahayd 4-2-4 oo ahayd miud khatar badan oo ciyaarta maamulkeeda siin karaysay Manchester City ayaa lagu tilmaamay inay ahayd mid geesinimo leh, isla markaana uu xalliyey dooddii taagnayd.
3. Man City waxay u baahan tahay in Walker uu sare isku soo qaado
Difaaca midig ee Manchester City ee Walker ayaa u muuqday mid aad uga fog heerkiisii wanaagsanaa, isla markaana ay ka yara jiiftay caawa.
Inkasta oo uu 30 jirkani yahay mid u qalmayay inuu kusoo bilowdo ciyaarta, haddana waxa uu ahaa midkii sameeyey qaladkii Mane ee rikoodhaha loogu dhigay kooxdiisa. Sidoo kale, waxa uu ku dhibaatooday inuu joojiyo Mane oo ka xeelad iyo xirfad ba badiyey.
Roy Keane oo istuudiyaha telefishanka Sky Sports fadhiyey ayaa waqtigii nasashada waxa uu ka hadlay Walker, waxaanu ku tilmaamay ‘mid edeb daran’ iyo inuu yahay ‘baabuur kharaab ah’.
Maadaama ay da’diisu weyn tahay oo aanu dib usoo yaraanayn, Walker ayay hubaal tahay inuu sii dhibaatoon doono marka uu ciyaartooyo tayadoodu sarrayso ka hor tago, sida Sadio Mane oo kale.
Guardiola ayaa isaguna dhinaciisa sii wada kalsoonida uu siinayo Walker, balse waxay tahay inuu u sheego sida uu u yaraynayo qaladaadkiisa, isla markaana uu sare isku soo qaado hab-difaacistiisa, weerarka, qalad la’aanta iyo cidhiidhintaba.
4. Shaqiri wali wuu sii ciyaari karayaa
Xherdan Shaqiri si weyn ayaa loo illoobay, waxaana sannadkii hore uu ahaa mid xataa mararka qaarkood ay jamaahiirtu xisaabtaba ka saaraan, inkasta oo kulamo xaasaasi ahaa uu la baxsaday.
Laacibka reer Switzerland ayaa toddoba ciyaarood oo horyaalka Premier League oo kaliya kusoo bilowday xili ciyaareedkii hore, waxaana xagaagii la filayay inuu ka tago Anfield.
Laakiin waxa uu hadda u muuqdaa inuu qaybtiisa ciyaareed helayo, isagoo si adag u shaqeeyey markii lagu soo beddelay Roberto Firmino daqiiqadii 59aad. Sidoo kale, waxa uu qaybo ka ciyaaray labadii kulan ee Midtjylland iyo West Ham.
Jurgen Klopp ayaa kalsooni weyn u muujinaya 29 jirkan, laakiin haddii uu isku dayi karo inuu xor ka noqdo dhaawacyada, waxa hubaal ah inuu qayb weyn ka qaadan karo xili ciyaareedkan.
5. Doodda Jesus way sii socon doontaa
Mar kale ayaynu aragnay caawa aragnay labada waji ee midna wanaagsan yahay midna xun yahay ee Gabriel Jesus.
23 jirkan ayaa ku dagaallamay goolka barbarraha ee kooxdiisa oo uu kaga itaal-roonaaday Trent Alexander-Arnod, waxaanay taasi muujisay sida uu u yahay dhamaystire wanaagsan.
Mar kale, qaybtii labaad ayuu lumiyey fursad weyn markii madaxa loo saaray kubbad uu cidlo ahaa oo goolka iyo Alisson oo kali ahi ay ka horreeyeen. Kubaddan oo meel siddeed yard oo kaliya u jirta goolka uu kubadda ugu keenay Rodri ayuu meel qaldan u madaxeeyey.
Sergio Aguero oo hadda 32 jir ah, dhaawacyana ay ragaadiyeen, waxa doodda ka taagan Manchester City ay tahay haddii uu Jesus yahay mid booska afka hore ee weerarka ka dhaxli karaya Aguero, waxaanay dooddaasi ahaanaysaa mid sii jirta.