China oo diyaarinaysa calooshood u shaqeystayaal Difaac Danahooda Geeska Afrika

Dowladda Shiinaha ayaa ka fakaraysa in ay Itoobiya iyo Jabuuti ku daabusho qandaraasleyaal madaxbanaan oo dhanka amniga ah si ay uga hortagto in  Xoogga Al-Shabaab beegsato ganacsigeeda, sidda laga soo xigtay Bogga Afka dheer ee Foreign Policy.

Xukuumadda Beijing ayaa wadamadan dhaca Geeska Afrika wuxuu ka hirgeliyey mashaariicyo waaweyn kuwaasoo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah.

China ayaa haatan saldhig ciidamada badda ku leh Jabuuti, waxaana talaabooyinka cusub ka faa’iideysan karta xulafada Mareykanka sidda Sacuudiga oo ka walaacsan in Al-Shabaab burburiso ganacsigadda Badda Cas.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaanan isku qidad ka ahayn la dagaalanka xoogga hubaysan ee loogu yeero “argagixisadda”  waxaana halkaas kasoo baxaysa danaha iska soo horjeeda ee awoodahan taasoo saameyn karta dhismaha Ciidamadan Xoogga dalka.

“Shiinaha ma uusan u qorsheyn istiraatiijiyad uu ka hortago argagxisiada Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray ilaalinta danahiisa ganacsi,” ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay Jariiradda Foreign Policy.

Qormada ayaa lagu soo xiray: ” Danaha cidriiriga ah ee Shiinaha ayaa ku qasbi kara ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya in ay kaligood kula dagaallamaan aagagga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya halkaas oo Hindisaha China isugu balaarinay qaarada Afrika ee xarig iyo Waddo uusan ka tallaabin”.

Xoogga Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakada caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa haatan maamula qaybo ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaa kale oo saldhigyo ku leeyihiin qaybo ka mid ah Waqooyi bari Kenya, balse waxaa laga cabsi qabaa in ay fariismo qorsoodi ah ku leedahay dalka Itoobiya sida uu qoray Wargayska.

Al Shabaab ayaa ku dhawaad 15 sano dagaal kula jirta Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowladaha Dariska ah, Ciidamadda Maraykanka ee sugan Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya mana jirto natiijooyin rasmi ah oo lagu wiiqay awooda Al Shabaab oo wali awooda in ay weeraro ka gaysato gudaha Soomaaliya iyo wadamada Dibada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More