Man City vs Liverpool – SHAN Su’aalood Oo Laga Doonayo

Manchester United iyo Liverpool ayaa fiidnimada hore ee caawa foodda isku-dari doona garoonka Etihad Stadium kulankooda ugu horreeya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Tababare Pep Guardiola oo ay kooxdiisu qaab xun ku bilaabatay xili ciyaareedka ayaa soo dhoweynaya Jurgen Klopp oo sidii la filayay kooxdiisu ka hoosayso balse kulamadii ugu dambeeyey muujinayay awood soo laba kaclaysay.

Manchester City oo laba sannadood oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka Premier League ayaa waxa hor istaagtay Liverpool oo xili ciyaareedkii ugu dambeeyey ku garaacday, waxaanay mar kale yihiin labada naadi ee saadaasha sannadkanna haysto, inkasta oo ay adag tahay si’ iyagu lagu kala saaro.

Guardiola iyo Klopp oo lagu tilmaamo macallimiinta ugu wanaagsan waqtigan kubadda cagta, waxay dhisteen laba kooxood oo kala qaab duwan, balse ah kuwa farta lagu fiiqo marka laga hadlayo darajada qiimaynta ee heerka ugu sarreeya.

Kulanka maanta waxa lagala socon doonaa dunida oo dhan, balse inta aan la gaadhin ayaa uu yahay mid hadal-haynta ugu badan ee warbaahinta haysta.

Wargeyska Daily Mirror ayaa soo bandhigay shan su’aalood oo xaasaasi ah oo laga doonayo in labada tababare ay ka jawaabaan ka hor inta aan kulankuba bilaabmin, kuwaas oo qaabka ay jawaabtiisa u dhigaan ay muhiim u noqon doonto natiijada kulanka.

1. Klopp waa inuu caddeeyo inuu ku dhegsanaanayo Firmino mise wuxuu adeegsan doonaa Jota?

Labadan weeraryahan ayaa dood ka dhaliyey gudaha Liverpool iyo taageereyaashaba, waxaana tababare Jurgen Klopp laga doonayaa inuu ka jawaabo su’aasha madax-xanuunka ah ee sida uu u kala xulanayo.

Guul ay Reds hesho maanta, waxay siddeed dhibcood kaga sare mari doontaa Man City, waxaana hubaal ah in aanu midkoodna tuuri doonin Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo ay kusoo bilaaban doonaan haddii ay taam yihiin, laakiin Roberto Firmino oo ciyaartii ugu dambaysay fadhiyey, saddexlayna uu dhaliyey Jota oo ciyaartii ka horreysayna markii uu soo galay hal gool dhaliyey ayaan la hubin sida uu u kala dooran doono.

Inkasta oo khubarada ciyaaruhu tilmaamayaan inay u bannaan tahay shax 4-2-3-1 ah inuu ku ciyaaro oo Jota afka hore kusoo bilowdo, isla markaana uu Firmino ka ciyaaro booska No.10, haddana Klopp ayaa laga rabaa inuu shaxdiisa ku caddeeyo sida ay isku qaadan karayaan.

2. Miyey City badbaadi doontaa Aguero la’aantii?

Sergio Aguero diyaar uma aha kulanka Liverpool, waxaanu kaga maqan yahay dhaawac muruqa ah oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyeyba ku maqnaa. 32 jirkan reer Argentina ayay soo laabashadiisu kusoo beegan tahay kulanka Tottenham ee kaddib fasaxa kulamada caalamiga ah.

Aguero oo ah takhasuska gool-dhalinta iyo burburinta difaacyahannada, waxa maqnaansihiisu ay fursad siinaysaa Gabriel Jesus oo isaguna dhaawac kasoo noqday usbuucii hore.

Natiijada kulankan ayaa laga sugayaa in Guardiola uu kaga jawaabo haddii ay kooxdiisu badbaadi karto Aguero la’aantii.

3. Miyuu MKatip xallin doonaa qalalaasaha difaaca Liverpool?

Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa rajaynaya in soo laabashada Joel Matip oo kasoo noqday dhaawac ay khibrad kusoo kordhin doonto khadkiisa difaaca ee uu ka maqan yahay dhaawacane Virgil van Dijk.

Difaacashada horyaalka ee Liverpool ayay jug weyni soo gaadhay markii uu dhaawacmay Van Dijk oo lagu tilmaamo difaaca ugu fiican dunida, isla markaana aan xili ciyaareedka oo dhan lagu xisaabtami doonin.

Matip ayaa sidoo kale dhaawac soo gaadhay, taas oo keentay in Klopp uu laacibka khadka dhexe ee Fabinho u dejiyo difaaca si uu uga garab ciyaaro Joe Gomez ka hor intii aanu dhaawacmin.

Si kastaba, soo laabashada Matip oo ciyaartii Champions League ee Atalanta kaydka ku jiray ayaa bandhiggiisu ka jawaabi doonaa su’aashan sare ku xusan.

4. Sidee ayuu Guardiola ugu firfircoon yahay, uguna dardar qabaa inuu ku guuleysto horyaalka?

Laba jeer ayuu horyaalka Premier League la qaaday Man City, laakiin tababaraha reer Spain ee Guardiola ayaan qarsanin in doorkan muhiimaddiisa u weyni ay tahay in Champions League uu u qaado kooxdan.

Lixdii ciyaarood ee horyaalka Premier League ay City dheeshay xili ciyaareedkan ayay kaliya saddex ka mid ah soo guuleysteen, waxaanay taasi su’aal gelinaysaa heerka damaca ay kooxdu ku doonayso horyaalka iyo haddii ay leeyihiin dhiiranaantii iyo dardartii.

Pep Guardiola ayaa kulanka Liverpool ee maanta ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah leh, waxaanu barbar-dhigay doorashadii Maraykanka, isagoo yidhi: “Waa kulan muhiim ah, si la mid ah doorashada Madaxtinimada ee USA, waa in la tiryo dhamaan codadka – waxa jira dhibco badan oo loo ciyaarayo.”

5. Miyey Liverpool soo afjari doontaa inkaarta ka haysata Etihad Stadium?

Inkasta oo Liverpool ay hanatay horyaalka Premier League oo ay City ku garaacday, haddana saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Etihad wax guul ah kalamay noqonin.

Xaqiiqadu waxay tahay in dhamaan saddexdii ciyaarood ee Etihad ka dhacay ee u dambeeyey ay City ku wada guuleysatay, iyadoo dhalisay 11 gool, halka Liverpool ay hal mar oo kaliya shabaqa City taabatay. Tani waxay ka dhigan tahay in lagu kala adkaaday 11-1.

Waxa kale oo Liverpool u raaca in tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ee ay martida ahaayeen aanay shabaqooda oo nadiif ah bixin, iyadoo laga dhaliyey 26 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More