Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia’s defense minister says national army can resist al-Shabab if AUSSOM withdraws
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Maleeshiyaad hubeysan oo Dhimasho & Dhaawac u geysatay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay weerar ay geysatay Maleeshiyo hubeysan, kadib markii rasaas ay ku furtay Haween Xoolo dhaqato ah sida dadka ilo xog ogaal ah Axadle ay u sheegeen.

Maleeshiyada ayaa dhaawacday labada Gabdhood oo markaas xareeyay Ari ay ka keeneen daaqsin, waxaana loola cararay Magaalada Cadaado si loo daaweeyo, balse koox hubeysan ayaa markale rasaas ku furtay Gaarigii lagu waday.

- Advertisement -

Mid kamid ah haweenka dhaawac ahaanta loo qaaday ayaa dhimatay, waxaana sidoo kale geeriyooday mid kamid ah dadkii u qaaday isbitaalka sida Axadle ay u sheegeen dadka deegaanka waxaana halkaas ka dhashay dhaawacyo kale.

Ciidamo katirsan DFS oo waayihii dambe deegaankaas u joogay wax ka qabashada maleeshiyaadka hubeysan ayaa bilaabay baaritaan ay ku raadinayaan kooxdaas dhimashada & dhaawaca geysatay.

Xaaladda deegaanka oo xalay xiisad ka taagneed ayaa saakay degen, waxaana socda qaban-qaabo lagu aasayo labada ruux ee ku dhimatay rasaasta ay ku fureen maleeshiyaadka hubeysan.

Gobolka Galgaduud waxaa waayihii dambe kusii kordhayay dilalka aanooyinka oo ay geysanayaan maleeshiyaadka hubeysan, waxaana ay bartilmaameedsadaan haweenka, carruurta & dadka da’da ah.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes