Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia Strengthens Central Bank to Secure Future of Digital Payments
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Dani Alves: Waxaan doonayay in Barcelona aan ku laabato hadii ay qirtaan inay iga qaldanaayeen!

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Dani Alves: Waxaan doonayay in Barcelona aan ku laabato hadii ay qirtaan inay iga qaldanaayeen!

Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayay inuu ku laabto Barcelona laakiin wuxuu sheegay in kooxdu ay lahaan weysay xiniinyihii ay ku qiran lahaayeen qaladkii ay isaga ka galeen.

Xiddiga reer Brazil Alaves oo 37 sanno jir ah ayaa 391 kulan u ciyaaray kooxda Catalans intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2016 isagoo kula guuleystay 23 koob oo lix ka mid ah ay ahaayeen horyaalka La Liga iyo seddex koob oo Champions League ah.

- Advertisement -

Ka dib markii uu noqday daafaca midig ee ugu fiican dunida, waxaa la si lama filaan ah loogu ogolaaday inuu si xor ah ugu wareego Juventus oo uu heshiis labo sannadood ah u saxiixay sannadkii 2016.

Laakiin waxa uu Turin uga tagay heshiis is afgarad ah ka dib markii uu labo koob oo maxali ah la qaaday xilli ciyaareedkiisii kaliya ee kooxda isagoo u saxiixay kooxda Paris Saint-Germain sannadkii 2017.

laakiin xiddiga Sao Paolo Alaves ayaa sheegay inuu doonayay inuu ku laabto Spain ka dib markii uu ka tagay Serie A laakiin madaama ay kooxda ku guuldareysatay inay qirato inay si xun u la dhaqmeen isaga ayaa ka horjoogsatay inuu dib ugu noqdo Barcelona.

Wuxuu u sheegay RAC1: “Waxaan u soo bandhigay Barcelona inaan ku soo laabto. Waxaan Juve u aaday si aan u cadeeyo inaan weli heerka ugu sareeya ka dheeli karo.

“Waxaan doonayay inaan ku noqdo Barca, waana ay ii baahnaayeen, laakiin ma aysan laheyn xiniinyihii ay ku qiran lahaayeen qaladkii ay iga galeen.

“Haddii ay iila dhaqmi lahaayeen sida aan aaminsanahay inaan u qalmay, maanta waxaan u sii ciyaari lahaa Barca. Waan jeclahay kooxdaan”

Alaves ayaa lix koob kale ku darsaday labadii sannadood ee uu joogay Paris Saint-Germain isagoo sannadkii hore dib ugu laabtay dalkiisa kuna biiray kooxda Sao Paolo.

How do you rate this story?

0 votes