Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia Strengthens Central Bank to Secure Future of Digital Payments
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Khabiirka BBC Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kulamada Isbuuca

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Lawro

Khabiirka BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 8aad ee horyaalka Premier League oo la ciyaarayo Jimcaha ilaa iyo Axada, isagoo iska jabiyay rikoodhkiisa saadaasha ee Liverpool markii ugu horeysay.

Maalinta Axada kulan adag ayaa Etihad Stadium ku dhexmari doona kooxaha ku xafiiltamaya hanashada horyaalka ee Manchester City iyo Liverpool iyadoo Lawrenson uu markii ugu horeysay tan iyo 2016dii uu guuldarro u saadaaliyay kooxdiisa hore ee Reds.

159 kulan oo isku xigta ayuusan Liverpool u saadaalinin guuldarro laakiin kulanka Axada wuxuu markii ugu horeysay saadaaliyay in Manchester City ay 2-0 ku garaaci doonto Liverpool.

Kulan kale oo adag ayaa Sabtida ka dhacaya garoonka Goodison Park iyadoo Everton ay soo dhaweyn doonto Manchester United, wuxuuna Lawrenson saadaaliyay inay ciyaartaas ku dhamaan doonto barbaro gool iyo gool ah.

Chelsea waxay garoonkeeda ku qaabileysaa Sheffield United iyadoo Lawrenson uu saadaaliyay in kooxda Frank Lampard ay 2-0 ku badin doonaan.

Axada Arsenal waxay martigelin doontaa Aston Villa, wuxuuna Lawrenson saadaaliyay in Gunners ay 2-0 ku badin doonto. Halka uu Lawrenson sidoo kale guulo u saadaaliyay kooxaha kaalimaha labaad iyo seddexaad ee Leicester City iyo Tottenham.

JIMCEBrighton v Burnley2-1Southampton v Newcastle1-1SABTIEverton v Man Utd1-1Crystal Palace v Leeds1-2Chelsea v Sheff Utd2-0West Ham v Fulham2-0AXADWest Brom v Tottenham0-2Leicester v Wolves2-1Man City v Liverpool2-0Arsenal v Aston Villa2-0

How do you rate this story?

0 votes