Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Isha 19:01
Muqdisho 26°C
Breaking: Trump and Zelensky to Meet in New York as Russian Drones Strike Southern Ukraine
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee Gaalkacyo oo toogasho

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee magaaladda Gaalkacyo.

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan oo afka duubtay ay xalay toogasho ku dileen marxuumka, oo ka tirsanaa Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

- Advertisement -

Saraakiish waxay sheegeen, in Kooxdii weerarka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana aysan Ciidanka u suurta-gelin in gacanta lagu soo dhigo.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi loo gaystay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, sida ay qortay warbaahinta Al-shabaab.

17 May 2020 ayay eheed markii Al Shabaab waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

How do you rate this story?

0 votes