Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Villa Somalia Race Puts Burning Bridges With Turkey Under Scrutiny
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Paul Scholes Oo Magacaabay SADDEXDII Ciyaartoy Ee

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Paul Scholes waxba uma qaban karayn kooxdiisii hore ee Manchester United, balse wuxuu farta ku fiiqay saddexdii ciyaartoy ee sababta u ahaa in Istanbul Basaksehir ay si xun ugu soo garaacdo waddanka Turkey habeenkii xalay, halkaas oo Red Devils ay kala soo laabatay guul darro lama filaan ahayd.

Weeraryahankii hore ee Newcastle United iyo Chelsea ee Demba Ba oo hadda 35 jir ah ayay Manchester United xorriyad u siisay inuu gool cidlo ah kasoo dhaliyo, iyadoo xiddigaha tababare Solskjaer ay dhamaantood isku illoobeen dhinaca weerarka oo ay iskaga wada tageen difaaca.

Gool kale ayay United u ogolaatay in si sahlan looga dhaliyo, iyadoo dhamaadka qaybta horena uu Anthony Martial madax ugu dhaliyey gool aan waxba tarin.

Paul Scholes oo ka hadlayay telefishanka BT Sports ee ciyaarta baahinayay ayaa waxa uu sheegay in tababare ku-xigeenka kooxda ee Mike Phelan, goolhaye Dean Henderson iyo khadka dhexe ee Nemanja Matic ay intuba wax wanaagsan samayn karayeen.

“Waa riyaawad oo kale. Run ahaantiina waa wax lagu qoslo waxan dhacay.” Ayuu yidhi Paul Scholes oo intaa ku daray: “Caadiyan ka hor ciyaaraha waxaad leedahay qorshahaaga, waxaad helaysaa laacibka dib ugu degaya laynka badhtamaha garoonka marka koorneyaasha lasoo laagayo. Balse dhamaantood ma jirin cid 20 yard ka baxsanayd dhinaca weerarka (Goolka Basaksehir horteeda).

“Waxaynu muuqaalka ka aragnay Mike Phelan oo isku dayaya inuu habeeyo, isku dayaya inuu dad u helo halkaa. Mabay dhaceen (haddii uu ku guuleysan lahaa inuu habeeyo).

“Dean Henderson ayay isagana ahayd inuu arko taas.

“Matic oo ah nin khibrad badan ayaad ii sheegaysaan in aanu arki karayn in 20 yard aanay waxba uga dambayn. Waa maxay sababta aad uga tegaysaan marka aanu Matic sinaba u eryan karayn?”

Paul Scholes waxa uu sheegay in wixii ay samaysay Manchester United ee ay 20 yard masaafo u jirta goolka Istanbul Basaksehir ay isku ururisay aanay milyan sannadood ka  dhicin kubadda cagta.

How do you rate this story?

0 votes