Intee dhan tahay saameynta Dowladaha Bariga dhexe & Geeska

Silsilad Warbixinno ah oo lagu qiimeynayo kaalinta Siddeed (8) Dowladood ay ku leeyihiin Doorashooyinka Dalka, Danaha Istaraatiijiyadeed ee dalkasta, Musharaxiinta ay kaalmaynayeen iyo fursadaha ay ku guulaysan karaan damacooda.

Hordhac :

Xilliga ololaha doorashooyinka waxaa masraxa  Siyaasadeed ee dalkeena ka soo muuqda faragelinta dalal kala duwan oo isku daya in ay saameyn ku yeeshaan musharixiinta kala duwan si ay gacanta ugu dhigaan xafiisyada ugu sarreeya ee laga gooyo go’aanada siyaasadeed ee Waddanka, Dolwadahaas qaarkood joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya ayay ku saleeyaan damacooda iyaga oo dadaal badan gelinaya ka faa’iideysiga kaalintooda Nabad-ilaalinta, halka dowladdo kale ay iskudayaan in ay  saameeyntoodu dhexmarto kaalmada maaliyadeed ee siiyaan Soomaaliya iyo awoodda ay u leeyihiin saameynta Siyaasada dalka iyaga oo isticmaalaya magaca beesha caalamka.

Dowladahan kaladuwan ee saameeya siyaasadda dalka ayaa waxa aan u qeybin karnaa 4 (afar) kooxood oo kala ah :-

Kooxda Koowaad : waxa ay u furantahay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed, Qabiileed, dowlad-goboleed, ma jirto cid gaar ah oo ay diintahay kaliya waxa ay ku dadaashaa kuna dagaalantaa illaalinta danaha ay ka leedahay Waddanka ee waqtiga dhow iyo mustaqbalka.

Kooxda Labbaad :   Kooxdan waxa ay u taagan tahay iska ilaalinta soo bixidda  kooxo gaar ah ama madax aaminsan fikraddo ay u aragto in ay qatar gelin karaan danahooda gobolka Geeska Afrika si guud iyo gaar ahaan dalka Soomaaliya, dowladaha ku jira kooxdan waxa ay xoogooda isugu geeyaan in ay ilaaliyaan ama ay ka hortagaan afkaar iyo fikraddo gaar ah.

Kooxda Seddexaad : kooxdan waxaa ku jira dowlado ujeedadoodu tahay in ay meesha ka saaraan nidaamka talada haya, iyaga oo u arka in Hogaamiye Maxamed Cabdullahi Farmaajo  uu qatar ku yahay danahooda, dowladahan waxa ay xoogooda isugu geynayaan in ay sameeyaan isbahaysi adag oo mucaarad ah oo awood u leh in uu u guuleyso doorashooyinka dalka.

Kooxda Affaraad : kooxdan waa dowladdo ay khusayso oo kaliya in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed, si ay u helaan dowlad soo ceshato kaalinteedii siyaasadeed ee fagaarayaasha Goboleed iyo Caalami, waxa ayna ujeedadoodu ku egtahay oo qura in ay ka ilaaliyaan dalka in uu dib ugu noqdo qalalaaso siyaadeed oo sababa in Waddanku xuddun u nodo amni daro saameysa gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo Ganacsiga isaga goosha badweynta Hindiya.

Haddaba waxaa cad in doorashooyinka qorsheysan in ay dalkeena ka dhacaan Bisha February ee sanadka 2021, aysan muhiim u ahayn oo qura dadka soomaliyeed balse sidoo kale muhiim u yihiin dowladaha Gobolka, waxaana muuqata in ay kaalin weyn oo saameyn xun iyo mid fiican tii ay noqotaba ay  ka qaadan doonaan doorashooyinka dalka, taas oo ka balaaran saameynta  doorashooyinkii hore.

Waxaa sii kordhiyey muhiimadda doorashadan ayaa ah in dalkeena inkasta uusan ahayn dalka mawqif weyn ku leh wax-ka-bedelka siyaasada gobolka Geeska Afrika iyo Barriga dhexe, balse waa dal mawqifkiisa saameeyo falgalka siyaadeed ee dowladaha bariga dhexe iyo geeska Afrika,

Siyaadda dalkeena waxa ay saameyn too s ah ku leedahay ilaa siddeex mawduuc oo waaweyn oo xasaasi ah marka la fiiriyo deegaankeena Geeska Afrika iyo Bariga dhexe oo kala ah :-

Khilaafka Istimcaalka Biyaha Wabiga Niil ee dalalka Itoobiya iyo Masar
Khilaafka Qadar iyo qaar kamid ah dowladaha ugu waaweyn dalalka Carabta
Tartanka Awoodeed ee Dalalka Turkiga iyo Iiraan ee Geeska Afrika iyo bariga dhexe.
Tartanka soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska ee dalkeena
Khilaafka xuduudeed ee dalalka Jabuuti iyo Ereteriya
Baratanka Dekedaha Istaraatiijiga ah ee Gobolka Geeska Afrika
Isbedelka Istaraatiijadeed ee Xiriirka dalalka Carbeed iyo Israa’iil
Dagaalka Caalamiga ah ee ka hortaga waxa loo yaqaan Argagixisada.

Todobaadyo ka hor bilawga doorashooyinka dalka ee qorshaysan bilawga Sanadka dambe, waxa ay bilaabeen qaar ka mid ah madaxyo-weynta siyaasiyeed ee dalka iyo musharixiinta madaxweyne in ay booqashooyin ku kala bixiyaan caasimadaha dalaka daneeya siyaasada soomaaliya sida : Istanbuul, Dooxa, Abu-dabay, Qaahira, Jabuuti, Nairobi, Abdisababa iyo kuwo kale.

Booqashooyinka muuqdey ee todobaayadii la soo dhaafay ayaa waxa aan ka xusi karnaaa :_

Booqashadii Fahad Yaasiin – Madaxa Sirdoonka Soomaaliyeed uu ku tagay maalmahii la soo dhaafey magaalooyinka Dooxa iyo Ankara, halka uu hore u booqdey Adisababa, waxa uuna halkaan kula kulmay hogaamiyayaasha sirdoonka dalalka Itoobiya iyo ereteriya.
Raysul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu sidoo kale ku bilaabay olalahiisa doorashada booqasho uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Keenya, isaga oo sidoo kale gaarey 24-kii Oktober gaarey Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale booqdey todobaadyadii la soo dhaafey dalka Imaraatka carabta
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqday dalka Masar.
Waxaa sidoo kale Magaalada Qaahira Booqdey Mudane Cabdulqaadir Cosoble isaga oo la kulmay kooxo daneynaya ka qeybgalkiisa tartanka madaxtinimada dalka.

Haddaba Warbaahinta Axadle waxa ay si weyn u faaqidi doontaa kaalinta awoodaha Gobolka Geeska Afrika iyo bariga dhexe ee doorashooyinka dalka, saameyntooda siyaasadeed, musharaxiinta ku aragtida ah, fursadaha iyo caqabadaha ugu jira dalkeena.

Waxa aan si gaar ah u faaqidi doonaa kaalinta siddeed dowladood oo kaalin muuqata ku leh tartanka kursiga ugu sareeya dalka ee doorashooyinka 2021, sidoo kale waxa aan warbixinadan ku eeggi doonaa danaha iyo danaynta dowladaha kala duwan, annaga oo dul istaagi doona fursadaha siyaasiyiinka ay diidanyihiin ama taageerayaan.

Silsiladan ayaa waxaa ay ka koobi doonaa warbixinno aan gaar gaar ugu sameyno siddeedan dowladdood ee kala ah :- Qadar, Imaaraat, Turkey, Jabuuti, Kenya, Sacuudiga, Itoobiya, Masar,

Warbixinteena koowaad ee waxa aan ku bilaabi doonaa dalka Jabuuti iyo doorka uu ka qaadan karo, kaararka uu wax ku saameeyo iyo danaynta doorshooyinka 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More