Bartomeu Oo Ciyaaryahan Aan Lionel Messi Aheyn Ku Eedeeyay

Madaxweynaha iska casilay shaqada Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ku eedeeyay Neymar fashilkiisii Camp Nou mudadii uu madaxweynaha ka ahaa madaama uu xiddiga reer Brazil ku biiray PSG markii ay bixiyeen lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa.

Bartomeu ayaa xaqiijiyay is casilaadiisa horaantii isbuuca isagoo ku dhawaaqay inay isaga tagayo shaqada ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida.

Bartomeu kuma faraxsaneyn inuu ka tago Barcelona laakiin wuxuu ogaa inuu ku qasban yahay inuu markabka ka dego bedelkii laga tuuri lahaa.

Shabakada Isbaanishka ee OKDiario ayaa sheegeysa in Bartomeu uu ku eedeynayo heshiiskii uu Neymar ugu wareegay PSG fashilka ku yimid shaqadiisa madaxweynenimo ee Barcelona.

Waxaa la sheegay in Bartomeu iyo xubnaha maamulka kooxda oo iyaguna is casilay inay aaminsan yihiin wax walba oo xuna y bilowdeen markii xiddiga reer Brazil uu xagaagii 2017 ku biiray kooxda Faransiiska.

Tan iyo markii uu Neymar baxay, kooxda La Liga ka dhisan ayaa aragtay saxiixyadeeda magacyada waa weyn inay buuxin waayeen booskii uu baneeyay.

Philippe Coutinho ayaa wacdarro dhigaya mar kale laakiin xilli ciyaareedkii la soo dhaafay wuxuu amaah ku joogay Bayern Munich isagoo xitaa labo gool ka dhaliyay Barcelona kulankii 8-2 ku xasuuqay.

Sidaasi oo ay tahay Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann ayaa labaduba u muuqda hooskoodii hore iyagoo ku fashilmay Camp Nou tan iyo markii ay ka soo wareegeen Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid.

Warbixinta waxay intaas ku dareysaa in Bartomeu uu sidoo kale ku faraxsaneyn riyaawadii Neymar ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Xiddiga PSG ayaa doonayay inuu ku laabto Nou Camp, inkastoo uu si aan fiicneyn uga tagay kooxda seddex sannadood ka hor.

Laakiin wadahadalada laguma guuleysan ugu danbeyn iyadoo Barcelona lagu qasbay inay ka samirto ciyaaryahan uu qof walba ogaa inay doonayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More