Real Madrid vs Huesca & Alaves vs Barcelona – Zidane &

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kusoo laabanaya garoomada Sabtida maanta kaddib kulankoodii El Clasico ee Los Blancos ay guusha weyn soo gaadhay.

Kooxda tababare Zidane ayaa la ciyaari doonta naadiga yar ee Huesca ee kasoo dallacay heerka labaad, waxaanay doonayaan guushii labaad oo xidhiidh ah ee tartanka horyaalka LaLiga, halka Barcelona ay u tegayso Alaves, taas oo tababare Ronald Koeman uu u dagaallami doono inuu kusoo laabto jidka guusha kaddib labadii guul-darro ee Real Madrid iyo Getafe ay u xambaariyeen ee keenay inay tobanka kaalmood ee sare ee LaLiga ka maqnaadaan.

Zinedine Zidane oo culays badan ka haysto dhinaca Champions League oo labadii ciyaaroodba midna laga badiyey midna ay barbarro galeen ayaa waxa uu marti gelinayaa kooxda kaalinta 18aad ee horyaalka fadhida, balse waxa uu ka taxadari doonaa inay ku dhacdo lama-filaankii ay ku dhigtay kooxda yar ee Cadiz oo 1-0 kaga badisay iyagoo jooga Alfredo Di Stefano Stadium.

Inkasta oo ay haysato 13 dhibcood, haddana Real Madrid waxa ku godan farta gaar ahaan kulamada Champions League iyo khasaarihii Cadiz, kuwaas oo xataa mugdi gelinaya mustaqbalka tababare Zidane.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Huesca

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 4pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Real Madrid waxa ka maqan Dani Carvajal, Martin Odegaard iyo Alvaro Odriozola oo dhamaantood dhaawac ah, waxaase usoo laabtay Mariano oo lagu soo daray liiska kooxda.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa Khamiistii tababarka qaatay iyadoo uu xanuun ka dareemayo muruqa balse may ahayn dhibaato weyn oo ka joojinaysa inuu ciyaaro.

Eden Hazard oo qaybtii labaad soo galay kulankii Gladbach ayaa mar kale kaydka kusoo bilaaban doona, waxaana la filayaa in laacibka reer Brazil ee Rodrygo Goes uu kasoo hormari doono Vinicius oo ay isku dhaceen Karim Benzema.

Marcelo iyo Modric ayaa sidoo kale kusoo laaban doona safka koowaad ee Real Madrid, halka uu weerarkana Marco Asensio mar kale kasoo muuqan doono.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Mendy, Varane, Ramos, Marcelo; Valverde, Casemiro, Modric; Rodrygo, Benzema, Asensio

Huesca: Fernandez; Maffeo, Pulido, Siovas, Galan; Ferreiro, Mosquera, Rico, Garcia; Sandro, Mir.

Dhinaca kale, tababare Ronald Koeman oo labadii ciyaarood ee hore laga soo badiyey ayaa u safraya garoonka Estadio de Mendizorroza oo ay iska leedahay Alaves, waana inuu ka foojignaado in khasaare kale soo gaadho kaddib Real Madrid iyo Getafe oo dhibcaha kasoo qaatay labadii usbuuc ee ugu dambeeyey.

Barcelona waxay ku jirtaa kaalinta 12aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga, halka Alaves ay fadhiyo 15aad oo ay haysato toddoba dhibcood oo ay ka heshay toddoba kulan oo ay ciyaartay.

Koeman ayaa si lama filaan ah badhtamihii bishan October ay usoo gaadhay guul-darro 1-0 ahayd oo ay kala soo kulmeen Getafe, waxaaan ugu xigtay Real Madrid oo 3-1 ku karbaashtay iyagoo jooga Camp Nou.

Ciyaar kale ayay dhibco lumiyeen oo ay barbarro 1-1 ah la galeen Sevilla, waxaanay saddexdan ciyaarood ee ay siddeeda dhibcood iska lumiyeen ay yihiin kuwo su’aal gelinaya rajada kooxda ee xili ciyaareedkan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Alaves vs Barcelona

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 11 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Mendizorroza

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Alaves waxay ahaan doontaa Pere Pons la’aantii iyo sidoo Rodrygo Ely oo labaduba dhaawac ah.

Laakiin Barcelona ayuu usoo laabtay goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo lagu soo daray liiska kooxda halka Coutinho iyo Umtiti ay yihiin kuwo aan soo dhoweyn, waxaana ka daba tegay Ronald Araujo oo isaguna muddo ku maqnaan doona dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Juventus.

Gerard Pique oo ganaax ku fadhiyey ciyaartii Juventus ayaa hoggaamin doona khadka difaaca, sidoo kalena Ousmane Dembele oo bandhig fiican soo muujiyey ayaa filaya in Koeman uu ku kalsoonaan doono.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Alaves: Pacheco; Navarro, Laguardia, Lejeune, Duarte; Mendez, Pina, Battaglia, Jota; Perez, Joselu

Barcelona: Neto; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; De Jong, Busquets; Dembele, Pedri, Fati; Messi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More