Pep Guardiola Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Haddii Uu Ku

Pep Guardiola ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay Manchester City islamarkaana uu rajeynayo inuu sii dheereysto sii joogitaankiisa kooxda xilli lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona.

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Victor Font ayaa sheegay isbuucaan inuu doonayo inuu Guardiola ku soo celiyo Camp Nou haddii uu ku guuleysto inuu bedelo Josep Maria Bartomeu kaasoo iscasilay Talaadadii ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin.

Guardiola ayaa seddex koob oo La Liga ah iyo labo koob oo Champions League ah la qaaday mudadii uu tababaraha ka ahaa Barcelona intii u dhaxeysay 2008 iyo 2012.

49 jirkaan ayaa galaya xilli ciyaareedkiisii shanaad ee Manchester City taasoo ka dhigeysa inay City tahay kooxdii uu joogay mudadii ugu dheereyd, laakiin qandaraaskiisa kooxda ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkastoo uusan weli wadahadal la furin kooxda oo ku saabsan qandaraas cusub, Guardiola ayaa sheegay inuu doonayo inuu Etihad Stadium sii joogo wixii ka danbeeya xilli ciyaareedkan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan” ayuu yiri Guardiola markii maanta la weydiiyay hadalkii ka soo yeeray musharaxa madaxweynaha Barcelona Font.

“Waan ku faraxsanahay inaan joogo Manchester, waxaana rajeyneysaa inaan shaqo fiican qaban doono xilli ciyaareedkan si aan su sii dheereysto joogitaankeyga” ayuu yiri Pep oo meesha ka saaray ku laabashada Barcelona.

City ayaa si aan fiicneyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyagoo badiyay labo ka mid ah shantii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Premier League inkastoo guulo ku bilowdeen Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More