AKHRISO Waallidii Diego Maradona Oo Maanta 60 Jirsaday –

Diego Maradona ayaa maanta u dabbaal-degaya sannad-guuradii 60aad ee dhalashadiisa oo ugu soo beegantay xilli uu ku jiro karantiil oo looga shakisan yahay xanuunka Korona Fayras.

Halyeyga reer Argentina ee dalkiisa u qaaday Koobkii Adduunka 1986kii, ayaa lagu xasuustaa wacdarihii uu ka dhigi jiray garoomada iyo dhaqan-xumadiisii bannaanka garoonka.

Ingiriiska ayaan waligood illoobi doonin oo uu ka dhaliyey gool gacan ahaa, taas oo loo bixiyey ‘Hand of God’.

Diego Maradona ayay maanta dunidu dib u milicsanaysaa dhaqan-xumooyinkiisii uu ku kacay ee uu waliba isagu qirtay, kuwaas oo layaab ku noqday taageereyaashiisa iyo dadyowgii kale ee sheekooyinkiisa maqlayba.

Mar uu u warramayay warbaahinta TyC Sports ayuu Maradona dadka kaga yaabiyey hadal aan laga filayn, waxaanu ku dooday in ‘SUXUUNTA DUUSHA’ ay afduubeen, isla amrkaana uu muddo saddex maalmood ah gurigiisa ka maqnaa.

“Maxaa waxyaabaha qaarkood sare u qaada? Mar ayaan khamri badan cabbay, kaddibna saddex maalmood ayaan ka maqnaa guriga. Guriga ayaan kusoo laabtay kaddibna waxaan sheegay in UFO (Suxuunta duusha) ay i qaadatay. Waxaan idhi ‘Way i qaateen, waxna idiinkama sheegi karayo‘.”

Laacibkan hore ayaa saddexdan maalmood waxa uu joogay guriga naag uu la tumanayay sida ay warbaahintu soo ogaadeen, balse xaaskiisii waqtigaas oo ay mar dambe kala tageen ayuu doonayay inuu ku qanciyo.

Balwadda cabbitaanka iyo maandooriyeyaashu waxay ka mid ahaayeen waxyaabaha hoos u dhigay xirfaddiisa ee uu da’yaraanta kaga baxay, isla markaana caafimaadkiisu u liitay sannadaha badan iyadoo aanu gaadhin 60 jir.

60 jirkan waxa kale oo uu ka sheekeeyey dhacdo kale oo yaab ahayd oo ah inuu galmada xaaraanta ah ku bilaabay markii ay da’diisu ahayd 13 jirka, waana dhaqan kale oo lagu yaqaanay oo tumashadu u ahayd balwadihii ay u dulqaadan kari waayeen Barcelona iyo Napoli xilligii uu u ciyaarayay.

“Markii ay da’daydu ahayd 13 jir, waxaan meel waddada dhinaceeda ah dusha uga baxay gabadh weyn. Waan dul-saarnaa, iyaduna jaraa’id ayay akhrisanaysay.” ayuu yidhi.

Intan oo kaliya maaha, balse waxyaabo badan oo aflagaaddooyin ah ayaa jiray, waxaana ka mid ah weerarradii uu ku qaaday ciyaaryahannada dunida qaarkood.

Koobkii Adduunka ee 2010 ayuu xulka qaranka Argentina tababare u ahaa, waxaana semi-finalkii lagu soo karbaashay 4-0 oo uu Jarmalku kusoo reeby. Hadalladii kasoo yeedhay ciyaartan kaddib ayaa ahaa kuwo aan la malayn karin.

Lionel Messi ayuu sheegay inuu sida carruurta u ooyayay, waxaanu yidhi: “Anigu waxaan ahay Messi saaxiibkii. Waxaan arkay isaga oo xamaamka ku dhex ooyaya markii 4-0 uu Jarmalku nagaga badiyey, xilli ay inta badan ciyaartoydu diyaarsanayeen duullimaadkii ay dib ugu laaban lahaayeen.”

Qaybo kale oo hadalladii layaabka lahaa iyo halka uu kaga jiro liiska ciyaartoyda ugu wanaagsanaa ee dunida soo maray, dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More