Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United & Arsenal Oo La Soo

Manchester United ayaa wajaheysa Arsenal maalinta Axada iyagoo dib u soo nooleynaya xafiiltankoodii hore xilli ay ku tartamayaan ka mid ahaanshaha afarta kaalimood ee ugu sareysa.

Labada kooxood ayaa soo dhisaya kooxo da’ yar iyagoo rajeynaya inay maalin uun u tartami doonaan hanashada horyaalka Premier League.

Kulanka Axada oo dhacaya 7:30pm Saacada Geeska Afrika ayaa ka tarjumi doona horumar ay ilaa iyo haatan sameeyeen labada kooxood.

Jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska ayaa shax isku dhaf ah ka sameysay labada kooxood ka hor kulankooda.

Waxay u janjeersadeen dhanka Manchester United oo ay ka soo xusheen lix xiddig halka Arsenal ay shaxda ku leedahay shan ciyaaryahan.

Booska goolhayaha waxaa ku soo baxaya goolhayaha Manchester United David de Gea oo booska kala wareegay Bernd Leno.

Daafaca waxay labada kooxood u qeybsadeen min labo ciyaaryahan iyadoo kabtan Harry Maguire iyo daafaca midig Aaron Wan-Bissaka ay u soo galeen Man United, halka Arsenal ay u soo galeen daafaca bidix Kieran Tierney iyo saxiixooda cusub Gabriel.

Booska burburiyaha khadka dhexe ayay sidoo kale qeyb sadeen labada kooxood iyadoo ay kawada ciyaarayaan xiddiga Man United Paul Pogba iyo saxiixa cusub ee Arsenal Thomas Partey.

Seddexda kubadsameeye ee ka danbeeya gooldhaliyaha, labo ka mid ah waa xiddigaha Manchester United Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford iyadoo uu ku wehliyo xiddiga Arsenal Willian.

Weerarka waxaa hogaaminaya kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More