Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 29°C
Breaking: Korane Outlines Four-Point Plan to Tackle Insecurity in Garissa
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Real Madrid Mise Man United? Xiddig Aqoon Fiican U Leh

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Daafacii hore ee kooxda Tottenham Hotspurs haatana qaybta ka ah kooxda SL Benfica ee Jan Vertonghen ayaa ka hadlay kooxda uu la wareegi karo tababarihiisii mudada dheer ay kooxda waqooyiga London soo wada joogeen ee Mauricio Pochettino.

Vertonghen ayaa u arka Pochettino mid samirkii uu wax ku sugayay ka dhammaaday kaddib markii mudo ku dhaw 12 bilood kahor laga diray Tottenham isagoo intaas shaqo la’aan ahaa.

Pochettino ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay Man United, magaciisa ayaa noqday mid markale aad loo xusay kaddib markii ay kooxdaasi guuldarro culus oo 6-1 ah kala kulantay Tottenham horraantii xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale shaqada Real Madrid ayaa ah mid uu Pochettino qudhiisu sheegay inay tahay mida uu ku riyoodo iyadoo ay jireen warar sheegayay in dhawaan ay kooxdaasi la xidhiidhay kaddib guuldarrooyin is-xigay oo La Liga iyo Champions League la gaadhay.

Haddaba, haatan Jan Vertonghen ayaa walow uusan toos koox u magacaabin haddana si dadban ugu riixay Pochettino dhinaca Man United maadaama oo uu sheegay inuu qabsan doono koox weyn oo Premier League ah.

Jan oo u warramayay CBS Soccer ayaa yidhi “Waan qiyaasi karaa isagu waa mid samirkii ka dhammaaday, waxaan filayaa in isaga horyaalka England aad ugu haboon yahay sababtoo ah waa tababare muhiimada koowaad siiya heerarka taam ahaanshaha iyo xaalada jidh ahaaneed ee kulanka”

“Waxaan filayaa in maamulida Premier League ay tahay waxa ugu wanaagsan ee uu qaban karo, isagu waxa uu markasta dooni doonaa inuu maamulo koox weyn sidaan malaynayo, sidaas darteed waa inaad eegto kooxaha ugu waaweyn horyaalka waxaana jira kaliya laba ama saddex aad eegi karto xaaladan”

How do you rate this story?

0 votes