Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Intelligence Agency Kills al-Shabab Clan Affairs Commander and Three Fighters
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Tababarihii Lala Xidhiidhinayay Man United, Man City,

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Pochettino

Mauricio Pochettino oo toddobaadyadii ugu dambeeyey lala xidhiidhinayay kooxaha waaweyn ee Yurub ee ku dhibaatoonaya horyaallada iyo Champoions League ee Mauricio Pochettino ayaa wada-hadallo la  bilaabay koox lama filaan ah oo qaaradda Yurub ka dhisan.

Mauricio Pochettino ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey ay wararku sheegayeen inay hayso diiradda Manchester United oo doonaysa inay ku beddesho Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta 15aad kaga jirto kala-sarraynta horyaalka Premier League, Chelsea oo qaab xun ku bilaabatay Champions League iyo horyaalkaba iyo kooxda kale ee reer Spain ee Real Madrid oo guul la’aan ka ah labadii kulan ee Champions League ee xili ciyaareedkan. Waxa kale oo kooxaha lala xidhiidhinayo ku jirta Manchester City oo tababaraheeda Pep Guardiola aanu wali ogolaanin inuu heshiiska kordhiyo iyadoo qandaraaskiisa  horena ay ka hadhsan yihiin bilaha xili ciyaareedkan ka dhiman.

Tababarahan hore ee Tottenham ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo November 2018 markaas oo laga  caydhiyey kooxda kadhisan woqooyiga London.

Pochettino oo xataa kooxaha magaciisu miiskooda saaran yahay ay ku jirto Barcelona ayaa la sheegay inuu wada-hadallo la bilaabay kooxda Ruushka ah ee Zenit St Petersburg.

Sida uu daabacay wargeyska Championat, Zenit ayaa xidhiidh la samaysay tababarahan 48 jirka ah, waxaana hadda  socda wada-xaajoodyo.

Kooxdan ka dhisan Ruushka oo uu hadda tababare u yahay Sergei Semak ayaa uu hadda qandaraaskiisu galay sannadkii ugu dambeeyey, waxaanay doonayaan inay helaan tababare kale oo magac weyn.

Kooxdan ayaa hore ay usoo layliyeen tababaraha hadda ee Xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini iyo Andre Villas Boas, waxaana lagu yaqaanaa inay bixiso lacago badan oo mushaharooyin ah oo xataa mararka ka sarreeya mushaharka Premier League.

How do you rate this story?

0 votes