Skip to content
Wednesday, September 23, 2026 10 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:50
Muqdisho 29°C
Breaking: Southwest Peace Council Begins Mediation Between Madobe and Laftagareen
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Barcelona Oo Karbaashtay Juventus Oo Garoonkeeda Joogta,

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 4-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~4 min audio

Barcelona ayaa 2-0 ku garaacay Juventus oo ay ugu tagtay garoonkooda Allianz Stadium, waxaanay iskaga soo maydhay guul-darradii ugu dambaysay ee Sabtidii ay Real Madrid u xambaarisay.

Ciyaartan oo uu gurigiisa ka daawanayay Ronaldo oo xanuunka Korona Fayras u fadhiyey ayaa waxa qaybtii hore gool qurux badan Barcelona u dhaliyey weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele oo kubbad uu meel fog ka toogtay dhex dhigay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Wojciech Szcesny oo isagoon is-dhaqaajin arkay kubadda oo goolka dhex taalla.

Juventus ayaa laga diiday saddex gool oo uu dhaliyey Alvaro Morata, iyadoo laba ka mid ah laga soo hubiyey VAR oo go’aamisay inuu offside ku jiray, halka kan saddexaadna aan loo baahan inuu garsooruhu caawimo u raadsado oo ay iska caddayd inuu ka horreeyey difaaca Barcelona ka hor intii aanu kubadda helin.

Lionel Messi ayaa dhamaadkii ciyaarta rikoodhe u dhaliyey Barcelona ciyaartana ka dhigay 2-0 waxyar kaddib markii Juventus kaadh cas lagaga saaray Merih Demiral.

Shaxda labada kooxood

BARCELONA (4-2-3-1): Neto, Sergi Roberto, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Miralem Pjanic; Pedri, Lionel Messi, Ousmane Dembele; Antoine Griezmann.

Kaydka: Sergino Dest, Sergio Busquets, Carles Alena, Martin Braithwaite, Riqui Puig, Trincao, Ansu Fati, Junior Firpo, Inaki Pena, Arnau Tenas.

JUVENTUS (4-2-3-1): Wojciech Szcesny; Juan Cuadrado, Merih Demiral, Leonardo Bonucci, Danilo; Rodrigo Bentancur, Adrien Rabiot; Dejan Kulusevski, Paulo Dybala, Federico Chiesa; Alvaro Morata.

Kaydka: Arthur, Aaron Ramsey, Weston McKennie, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi, Koni de Winter, Gianluca Frabotta, Manolo Portanova, Alessandrio Pio Riccio, Gianluigi Buffon.

Barcelona ayaa ku bilaatay dardar iyo qaab ku qasbay in Juventus ay bilowgiiba khalkhal ku yimaaddo baasaskooda, waxaana qalad sameeyey Demiral oo kubbad si toos ah ugu dhiibay Lionel Messi oo dhinaca bidix joogay, waxaana uu markiiba xiddiga reer Argentina ku toogtay goolka Juventus, balse Bonucci ayaa ka diiday oo isku dhigay.

Daqiiqaddii saddexaad ayay mar kale Barcelona soo qaadday weerar kale, iyadoo sii xoojisay culayska ay ku hayso Juventus, waxaana kubbad ku toogtay goolka Juve laacibkoodii hore ee Pjanic laakiin waxay kaga soo dhacday birta ka hor intii aanu Griezmann ku celinin, iyadoo kubbadduna inyar sare uga kacday birta.

Tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayaa ahaa kuwo badan Juventus oo Barcelona ay ka yaabisay, iyadoo kula dul-dhacday cadhada labadii guul-darro ee Real Madrid iyo Getafe ay usoo xambaariyeen.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Juve 0-1 Barcelona – Ousmane Dembele ayaa shabaqa Juventus ku hubsaday kubbad layaab leh oo uu ka toogtay meel bannaanka ah, taas oo aanu xataa goolhaye Szczesny is-dhaqaajin isla markaana ka gashay birta hoosteeda.

Ka hor inta aanu goolka dhalin, waxa uu Dembele kubadda kusoo eryaday ciyaartoyda difaaca bidix ee Juventus oo uu joogay Danilo, waxaase markii uu laadayay ay sii taabatay Chiesa.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! MAYA MAYA!!! Alvaro Morata ayaa gool u dhaliyey Juventus iyadoo uu shabaqa Barcelona ku hubsaday kubbad uu ka helay Cuadrado, taas oo markii hore uu badbaadiyey Neto balse uu haddana iyadoo dhinaciisa u boodday uu isku tuuray. Garsooraha ciyaarta ayaa goolkan ka diiday, isaga oo tilmaamay inay OFFSIDE tahay.

VAR oo laga soo hubiyey ayaa waxay xaqiijisay in kubaddu ay offside ahayd, sidoo kalena ay gacan kaga dhacday Morata markii uu goolka dhalinayay.

Fursad kale ayay Barcelona heshay, waxaana kubbad hal-iyo-hal u wada ciyaaray Lionel Messi iyo Griezmann, waxaanay iyagoo xerada ganaaxa kula jira uu Messi go’aansaday inuu toogto goolka iyadoo waxyar dhinaca midig ka martay birta.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! MAYA MAYA!!! Morata ayaa dhaliyey gool kale oo uu mar kale kubaddeeda keenay Cuadrado, waxaana markii uu kubadda dhaafiyey Neto ee ay shabaqa gaadhay uu arkay calan-wadaha oo taagaya calanka, isla markaana tilmaamaya OFFSIDE.

FURSAD!!! Allah maxay samaysay Barcelona!!! Messi iyo Dembele ayaa laba difaac oo Juventus ah cidlo ka helay, waxaana taabashadii ugu dambaysay ay lugta u gashay Dembele oo isaguna waabiyey goolhaye Szczesny oo isaguna dhulka isku tuuray, laakiin kubadda ayaa ku hoos dhacday. Muddo ay isla-rafaadeen Dembele iyo difaaca Juve oo uu goolhayuhu ugu horreeyo, waxay u tagtay Griezmann oo isaguna sidii oo kale loogu diiday inuu dhinaca goolka u laado. Waxan oo dhan oo ka dhacayay xerada ganaaxa dhexdeeda, waxa ugu dambayntii ay kubaddaas difaaca Juventus iskaga soo saareen bannaanka.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta hore, waxay kubaddu gacanta ugu jirtay Juventus oo dhawr mar xerada ganaaxa soo gelisay kubadda laakiin umay suurtogelin inay shabaqa gaadhaan.

Qaybta dambe ayay nasiib-xumadii Juventus halkeeda kasii socotay, waxaana gool saddexaad dhaliyey Alvaro Morata, kaas oo garsooruhu uu u ansiyey hase yeeshee laga soo daawaday VAR oo caddeeyey inuu OFFSIDE ku jiray.

Lionel Messi ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto iyadoo uu kubbad laynka dushiisa ka helay, taas oo waxyar dhinaca ka martay laynka.

Daqiiqaddii 76aad ayaa fursad dahabi ah uu helay Antoine Griezmann oo goolka loo hor-dhigay kubbad, waxaana lugta bidix uu ku ganay oo uu ku toogtay goolka oo masaafo dhow u jiray, laakiin abaartiisa goolasha ayaa halkeeda kasii socotay iyadoo ay kubadduna goolka dhinac martay.

Daqiiqaddii 85aad ee ciyaarta ayaa kaadh cas loo taagay Merih Demiral oo qalad ku galay Pjanic iyadoo uu horena usii haystay kaadh digniin ah.

RIKOODHEEE!!! Barcelona ayaa loo dhigay rikoodhe, waxaana gool u beddelay Lionel Messi oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Wojciech Szcesny.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Barcelona, halka Juventus ay ahayd mid liidata oo qaab ciyaareedkeedu uu ka dunsanaa khadka dhexe, difaaca illaa afka hore.

How do you rate this story?

0 votes