Dietmar Hamann Oo Magacaabay Kooxda Hanashada Premier League
Dietmar Hamann ayaa aaminsan in kooxda Jose Mourinho ee Tottenham inay fursad u heysato inay hanashada horyaalka Premier League ku garaacdo Liverpool iyo Manchester City xilli ciyaareedkan.
Liverpool waxaa u taala shaqo adag oo ay ku difaacanayaan horyaalka madaama uu ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo seegaya inta badan xilli ciyaareedkan, halka Liverpool uu dhaawac kale ka soo gaaray xiddigii buuxinayay booskiisa ee Fabinho xalay.
Van Dijk ayaa gabi ahaanba bedelay kooxda Liverpool tan iyo markii uu yimid sannadkii 2018 isagoo ka caawiyay hanashada Champions League iyo Premier League.
Xiddigii hore ee Liverpool iyo Manchester City Dietar Hamann ayaa qirtay in maqnaanshaha xiddiga reer Holland inay saameyn weyn ku yeelan doonto fursadooda hanashada horyaalka ee xilli ciyaareedkan.
“Maqnaanshihiisa saameyn weyn ayay ku yeelan doontaa tartanka horyaalka. Van Dijk wuxuu Liverpool ka soo qaaday iyagoo heysta daafaca ugu liita horyaalka wuxuuna ka dhigay kuwa heysta daafaca ugu fiican.
“Maqnaanshihiisa waxay saameyn ku yeelan doontaa weerarka, sababtoo ah taxadar ayay muujin doonaan mar walba. Waana qasaaro weyn maqnaanshihiisa.”
City ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si aan fiicneyn iyadoo badiyay kaliya labo ka mid ah shantii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka.
Hamann ayaa aaminsan in City ay gaartay meeshii ugu sareysay ee gaari kartay sidaasi darteed ay hoos u soo dhacayaan.
“City ma heysato wax gool dhaliyayaal ah waqti xaadirkaan. Intii uu Guardiola joogay ayay gaareen meeshii ugu sareysay” ayuu yiri ninka reer Jarmal. “Ma arko iyagoo ku guuleysanaya Premier League ama Champions League sannadaha soo socda.”
Dhanka kale Tottenham ayaa horumar ku hoos sameyneysa tababare Jose Mourinho, iyadoo guushoodii ay ka gaareen Burnley ay ka dhigan tahay inay hogaanka horyaalka u jiraan kaliya labo dhibcood.
“Kooxda aan sida weyn u jeclahay waqti xaadirkaan waa Tottenham” ayuu yiri Hamann.
“Waxaan daawaday Isniintii kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Burnley, waana ku si fiican isagu agaasiman.
“Haddii ay ku sii jiraan tartanka horyaalka March iyo April waxaan qabaa in Mourinho uu mar kale ku guuleysan doono horyaalka.