TOP 10: Mulkiileyaasha Kooxaha Kubadda Cagta Ugu Taajirsan, Hantida Ay

Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Sheikh Mansour ayaa noqday ninka ugu lacagta badan ee iska leh koox kubadda cagta ah, waqtigan dunida guudkeeda, waxaana uu ka sare maray Stan Kroenke oo Arsenal iska leh iyo Roman Abramovich oo mulkiilaha Chelsea  ah.

Sheikh Mansour oo ah bilyaneer 50 jir ah, ayay shirkaddiisa Abu Dhabi United Group sannadkii 2008 ku iibsatay Manchester City lacag gaadhaysa £210 milyan oo Gini, waxaana uu ka dhigay kooxda ugu awoodda badan horyaalka Premier League, iyagoo afartii sannadood ee ugu dambeeyey saddex ka mid ah ku guuleystay horyaalka Premier League.

Bishii February ee sannadkii hore, waxa hoggaanka lagaga hayay 10 dhibcood oo nadiif ah, laakiin haddana waxay horyaalka hanatay iyadoo ay kulamo badan ka hadhsan yihiindhamaadka  xilli ciyaareedka.

Ka hor intii aanu Sheikh Mansour la wareegin Man City, waxay kaliya haysatay afar horyaal oo Premier League ah taariikhdeeda oo dhan, midka ugu horreeyeyna waxay hanteen sannadkii 1968kii, laba FA Cup iyo shan League Cup, laakiin markii uu yimid waxay sannado kooban ku noqdeen cududda iyo horyaalka Ingiriiska.

Hantida uu haysto Sheikh Mansour ayaa lagu qiyaasay $30 bilyan oo dollar, waxaana kusoo xiga mulkiilaha kooxda reer RB Salzburg iyo RB Leipzig ee Dietrich Mateschitz oo haysta lacag gaadhaysa $26.9  bilyan oo dollar.

Ma rumaysan kartaa in Arsenal ay tahay kooxda toddobaad ee kubadda cagta ugu lacagta badan? Waa xaqiiqo, waxaase muuqata in aanu mulkiilaheedu u hurin lacag. Stan Kroenke ayay hantidiisu tahay $8.3 bilyan oo dollar, waxaanu xataa ka taajirsan yahay Nasser Al-Khelaifi oo PSG ah, isla markaana haysta $8 bilyan.

Waa kuwan tobanka mulkiile ee kubadda cagta ah ee ugu taajirsan:

10. Robert Kraft – New England Revolution, MLS – $6.9 billion

=. Zhang Jindong – Inter, Serie A – $8 billion

8. Nasser Al-Khelaifi – PSG, Ligue 1 – $8 billion

7. Stan Kroenke – Arsenal/ Colorado Rapid, Premier League/MLS -$8.3 billion

6. Philip Anschutz – LA Galaxy, MLS – $10.1 billion

5. Roman Abramovich – Chelsea, Premier League – $12.5 billion

4. Dietmar Hopp – Hoffenheim, Bundesliga – $18.5 billion

3. Andrea Agnelli – Juventus, Serie A – $19.1 billion

2. Dietrich Mateschitz – RB Leipzig/ Red Bull Salzburg, German Bundesliga/Austrian Bundesliga – $26.9 billion

1. Sheikh Mansour- Manchester City, Premier League – $30 billion

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More