Mas’uul ka tirsanaa Gobaladda Waqooyi oo lagu dilay

Laascaanood (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Gobaladda Waqooyi loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Gobaladda Waqooyi ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Axadle u sheegtay in ragga toogashada fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Gobaladda Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

Saraakiisha ammaanka Gobaladda Waqooyi oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

Laascaanood oo ka mid ah magaalooyinka ee ay ka taliso Gobaladda Waqooyi ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana laamaha ammaanku ay ku cel-celiyaan inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca magaalaasi oo xarun u ah Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More