Muxuu ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweynaha

Baydhabo (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Soomaaliya yo sida ay u tartami doonaan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday doorashada.

Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan, isla-markaana lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamullada kale inay dadajiyaan qabashada doorashada, gaar ahaan tan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Dhinaca kale diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta oo ay tahay 1-da bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Soomaaliya oo marxalado kala duwan kasoo martay doorashada ayaa haatan rajado waxay mareysaa meel wanaagsan, maadaama la guda-galay qabashada doorashada ee 2021-ka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More