Waa Maxay Sababta Alex Telles Looga Reebay Liiska Ciyaaryahanadda Man

Alex Telles ayaa seegay kulanka saaxiibtinimo ee Manchester United ay la ciyaartay QPR, waxaana maqnaanshihiisu uu keenay hadal-hayn la xidhiidha mustaqbalkiisa maadaama lala xidhiidhinayay kooxaha Talyaaniga ee Inter iyo AC Milan.

28 jirkan reer Brazil ayaa si joogto ah uga soo muuqanayay tababarka kooxdiisa, laakiin waxa si lama filaan ah looga waayey liiska ciyaartoyda ee kooxda ee xiddigihii kusoo bilaabanayay iyo kuwii kaydka, taas ayaana abuurtay shakiga la xidhiidha mustaqbalkiisa.

Manchester United oo uu wali fasax kaga maqan yahay Luke Shaw ayay ahayd in difaaca bidix uu kusoo bilowdo Alex Telles, balse uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ka ciyaarsiiyey booskaas laacibka da’da yar ee  Brandon Williams.

Si kastaba, Solskjaer ayaa shaaciyey sababta uu Alex Telles uga maqnaaday kulankan, waxaanu xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay tababarkii ka horreeyey ciyaarta oo uu muddo toddobaad ah garoomada ka maqnaan doono.

“Nasiib-darro, Alex wuxuu ka dhaawacmay kuraanta, sidaa darteed toddobaad ayuu maqnaan doonaa.” Ayuu yidhi Solskjaer oo la hadlayay telefishanka Manchester United ee MuTV.

“Waxa aan rajaynayaa in aanay dhaawaciisu sidaa usii xumayn.” Ayuu ku daray.

Dhaawaca Alex Telles ayaa saamayn ku yeelan kara qorshihii Brandon Williams oo la filayay in uu amaah ku baxo xagaagaj. 20 jirkan ayay doonayaan tiro kooxaha horyaalka Premier League iyo kuwo Championship-ka ee heerka hoose ah.

Dhinaca kale, Alex Telles ayaanu mustaqbalkiisu sugnayn, waxaana shaki la sheegayaa in ay suurtogal tahay in laga diro kooxda haddii uu yimaaddo Kieran Trippier oo ay ka doonayaan Atletico Madrid oo ka ciyaari kara bidix iyo midig, sidoo kalena waxa soo laabanaya Dioto Dalot oo amaah ugu maqnaa AC Milan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More