Maxay Ku Arkeen Ciyaaryahanadda Chelsea? AC Milan Oo Xiddigii Saddexaad Ka

Kooxda ree Talyaani ee AC Milan ayaa lagu soo warramayaa inay cadaadinayso inay heshiis amaah ah ku qaadato Hakim Ziyech oo Chelsea ka tirsan xilli uu ciyaaryahanka ree Morroco doonayo inuu ogaado haddiiba uu qorshaha tababare Thomas Tuchel ku jiro.

Ziyech oo 28 sano jir ah ayaa Chelsea xagaagii 2020 heshiis 38 Milyan oo pound ah ugaga yimid dhinaca Ajax isaga oo kamid ahaa tiro ciyaartoy ah oo uu lacag badan ku keenay Frank Lampard.

Si kastaba, Ziyech ayaa kulamo badan dhaawac ku seegay wakhtigii Lampard halka uu awood u yeelan waayay inuu boos rasmi ah ka helo Thomas Tuchel qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska Calciomercato, AC Milan ayaa hadda heshiis amaah ah oo ay dookh u haysato inay xilli ciyaareedka dambe si rasmi ah ugula wareegto haddiiba uu najaxo ku doonaysa Hakim.

Kooxda ree Talyaani ayaa Ziyech u aragta mid dhaqaale ahaan ku haboon marka loo eego xiddigaha kale ee bar-tilmaameedka u ah sida Isco iyo Philippe Coutinho oo labaduba qiime ahaan iyo mushahar ahaan ka badan.

Si kastaba, Milan ayaa kalsooni ku qabta inay heshiiska dhammaystiri karto sababtoo ah xidhiidhka adag ee kala dhexeeya Chelsea, Rossoneri ayaa xilli horeba gudaha suuqan Olivier Giroud iyo Fikayo Tomori kala wareegay kooxda ree London.

Waxkasta ayaa ku xidhnaan doona haddiiba Tuchel uu u arko Ziyech mid kusoo bixi kara qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe, sidoo kale ciyaaryahanka ayaa inta uusan go’aan gaadhin doonaya inuu ogaado waxa laga damacsan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More