Ilhaan Cumar oo soo saartay dalab la xiriira duqeyntii gobol…

New York (Axadle) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyntii u dambeysay, si loo helo macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed.

“Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoondeeyey.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca milatariga iyo howl-gallada ciidamada ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tababaraa ciidamada Danab.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More