RASMI: Xaraashka Da’yarta Chelsea Oo Sii Socda, Midkii Afraad Oo Baxay

Kooxda dhawaan usoo dalacday horyaalka Premier League ee Brentford ayaa shaacisay saxeexa khadka dhexe ee Myles Peart-Harris oo ay heshiis afar sano ah kagala soo saxeexdeen dhinaca dhigooda Chelsea heshiis afar sano ah.

Tan ayaa ka dhigan in kooxda Chelsea ay halkeeda kasii wado inay xagaagan kala dirto qaar badan oo kamida xiddigaha da’yarteeda ee kuliyadeeda kasoo baxay.

18 sano jirkaas ayaa labada kooxood ee galbeedka London wada degen ugu kala wareegay qiimo aan la shaacin, kooxda lagu naanayso shinida ayaan haysata dookha ay sanad shanaad ku kordhin karto heshiiskiisa.

Peart-Harris ayaa ahaa mid Stamford Bridge joogay ku dhawaad 10 sano isaga oo sidoo kale xulka England kusoo metelay darajooyinka da’yarta.

Tababaraha Brentford ee Thomas Frank ayaa shaaca ka qaaday inuu Peart-Harris kooxdiisa No,8 ahaan ugu ciyaari doono isla markaana uu yahay ciyaaryayan hibo leh oo aad ugu haboon hab ciyaareedkooda.

Kahor bixitaanka Peart-Harris, sidoo kale Blues ayay ka baxeen Fikayo Tomori, Lewis Bate iyo Marc Guehi kuwaas oo ku kala biiray AC Milan, Leeds United iyo Crystal Palace sida ay u kala horreeyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More