Liverpool Oo Guul Waqti Dambe Ah Ka Gaarey Kooxdii Uu Tababarenimada

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul kasoo hoysay kulan saaxiibtinimo oo garoon albaabadu u xidhan yihiin ay kula yeelatay kooxdii uu tababare Jurgen Klopp kasoo bilaabay xirfadda macallinimada ee Mainz 04, taas oo inta badan ay goolal la’aan ahaayeen.

Gool waqti dambe ay iska dhalisay Mainz 05 ayaa Liverpool u horseeday guusha kulankan oo isbeddel badan uu tababare Klopp ku sameeyey kooxdiisa, taas oo waqtigii ay ciyaartoyda waaweyni ku jireen garoonka ay wax goolal ah dhalin kari waayeen.

Jurgen Klopp ayaa laba saf oo kala duwan ku ciyaaray labadii qaybood ee ciyaarta, waxaa 45kii daqiiqadood ee hore ciyaarayay xiddigaha waaweyn sida Sadio Mane, Mohamed Salah, Oxlade-Chamerlain iyo kuwo kale, laakiin waxa aan gebi ahaanba liiska kooxda ku jirin xiddigihii dhaawacu dishooday xilli ciyaareedkii hore ee Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo aan wali taam u noqonin inay ciyaaraan.

Labadii shaxood ee labada qaybtood

Liverpool XI (Qaybtii hore): Kelleher, Alexander-Arnold, Konate, Matip, Tsimikas, Milner, Keita, Elliott, Mane, Salah, Oxlade-Chamberlain.

Safkii qaybta dambe : Adrian, Jones, Minamino, Origi, Phillips, Gordon, Beck, Clarkson, N. Williams, Morton, Koumetio.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa helay fursaddii ugu horreysay ee Liverpool ee ciyaarta daqiiqaddii toddobaad, laakiin kuma guuleysanin in uu natiijada ciyaarta wax ka beddelo, hase yeeshee daqiiqado kaddib ayey Mainz iyaduna la timid kubbad aanay ka faa’iidaynin oo fursad fiican u ahayd.

Daqiiqaddii 33aad ayay Liverpool kubaddii ugu horreysay ku tijaabisay goolhayaha Mainz,waxaana kubbad ay dhinaca midig iskaga dhiibeen Ealliott iyo Salah uu laacibka reer Masar la galay xerada ganaaxa, kaddibna wuxuu ku toogtay goolka, hase yeeshee Naikhate ayaa iska soo difaacay. Kubadda ayaa u timid Mane oo isaguna dedaalkii uu sameeyey uu goolhaye Zentner ka diiday in gool uu u beddelo.

Naby Keita ayaa khadka dhexe ka nashqadeeyey kubbad cajiib ahayd oo uu u dhiibay Mohamed Salah oo xerada ganaaxa ku jiray, laakiin laacibka reer Masar ayaa si fiican u maamuli waayey kubadda, sidaasna waxa fursad kaga helay difaaca.

Ka hor  intii aan loo bixin waqtiga nasashada, Naby Keita ayaa kubaddii ugu halista badnayd Liverpool ka shaqeeyey, waxaanu u dhiibay Oxlade-Chamberlain oo meel bannaan oo dhinaca bidix ee xerada dhexdeeda ah, waxaanu laacibka reer England ku toogtay goolka, balse goolhaye Zentner ayaa ka diiday in shabaqiisa ay gaadho.

Naby Keita oo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsanaa Liverpool ayay kaamirooyinku si gaar ah u hayeen, waxaanu soo bandhigay ciyaar heersare ahayd oo muujisay in kaliya dhaawacyadu ay ka joojiyeen in uu noqdo hoggaamiyaha khadka dhexe ee Liverpool.

Qaybtii dambe ayaa ciyaartooyo da’yar u badan oo kaliya Divock Origi, Curtis Jones iyo goolhaye Adrian ay tarraxaan uu kusoo bilaabay Jurgen Klopp, laakiin iyaga ayuu nasiibku la socday oo guusha ku hoggaamiyey kooxdooda.

Daqiiqaddii 86aad ee dhamaadka ciyaarta ayaa kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Owen Beckh waxa isku qabtay laacibka Mainz ee Kilian, goolkaas ayaana noqday midka kaliya ee labada kooxood kala dhaliyeen.

Mainz ayaa u qalmaysay in ay ugu yaraan hal gool la timaaddo ciyaarta qaybta dambe, waxaana kubbado halis badnaa ay ku garaaceen goolhayaha Liverpool ee Adrian, hase yeeshee nasiibkoodu ma siinin inay shabaqa  gaadhaan.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More