Mid Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee Real Madrid Oo Laga Helay

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in xanuunka Korona Fayras ee saf-marka ah laga helay hoggaamiyaha weerarka kooxdeeda ee Karim Benzema.

Qorshaha ayaa ahaa in weeraryahanka French-ka ahi ku biiro safka kale ee kooxda maanta oo Jimce ah sidoo kalena la kulmo tababarihiisa cusub ee Carlo Ancelotti oo ay markii labaad wada shaqaynayaan.

Benzema ayaa ahaa mid fasax galay kaddib markii xulkiisa France laga cidhib tiray Euro 2020 oo ay wareegii 16-ka kaga hadheen sababta xulka Switzerland.

Karim ayaa ahaa mid cajiib ku ah xulka Les Bleus intii uu socday tartankaasi kaddib markii uu ku dhawaad lix sano ka maqnaa sababo la xidhiidha qalad uu ka galay Valbuena oo ay hore uga soo wada tirsanaayeen xulka.

Kaddib xanuunka lagu xaqiijiyay Benzema, 33 sano jirkaas ayaa ugu yaraan 10 maalmood dib loo dhigayaa kusoo laabashadiisa tababarka iyadoo la marinayo sharciyada kooxda iyo kuwa horyaalka La Liga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More