Jorginho Oo Ka Hadlay Fursaddiisa Ballon d’Or: “Ma Jirto Cid Iga Guulo

Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara xulka qaranka Talyaaniga iyo Chelsea ee Jorginho ayaa ka hadlay suurtogalnimada iyo fursadda uu u haysto inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, taas oo lagu daray ciyaartoyda loo saadaalinayo.

Lionel Messi ayaa murashaxa koowaad noqday kaddib markii uu waddankiisa Argentina u qaaday tartanka Copa America, isla markaana uu bandhig fiican ka sameeyey horyaalka LaLiga oo uu 30 gool dhaliyey, caawintii ugu badnaydna ka sameeyey, waxaana haddii uu ku guuleysto ay u noqonaysaa markiisii toddobaad.

Laakiin Jorginho ayaa liiska soo galay markii uu qaab ciyaareedka wanaagsan ka sameeyey Euro 2020 oo uu dalkiisa kula guuleystay, waxaana uga horreeyey Champions League oo uu hormood u ahaa xiddigihii Chelsea ee ku guuleystay dhamaadka bishii May.

Si kastaba, laacibkan ayaa la weydiiyey fursadda uu ugu guuleysan karayo Ballon d’Or, waxaanu yidhi: “Dhamaanteen waa riyo aynu leenahay, laakiin haddii aan runta sheego, waxa ku xidhan shuruudo lagu go’aamiyo [ciyaartoyga ku guuleysanaya].

“Haddii aynu ka hadlayno hibo, waan ogahay in aanan anigu ahayn ciyaartoyga ugu wanaagsan, laakiin marka ay noqoto koobabka, ma jirto cid xilli ciyaareedkan iga guulo badnayd.”

Intaas kaddib waxa uu Jorginho qirtay in aanu marnaba la tartami karin Messi, Neymar ama Cristiano Ronaldo, waxaanu yidhi: “Sidee ayaan isku barbar-dhigi karaa Messi, Neymar ama Cristiano Ronaldo? Waxay leeyihiin qaab ciyaareed gebi ahaanba ka duwan kayga. Laakiin, waan ku celinayaa, waxa jira shuruudo ku xidhan [ciyaartoyga la siinayo Ballon d’Or].”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More