RASMI: Liverpool Oo Shaacisay AFAR Kooxood Oo Ay Ciyaaro Saaxiibtinimo

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay afar kulan oo saaxiibtinimo oo ay ciyaari doonto ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka 2021-22 oo ay ka hadhsan tahay muddo bil ah.

Ciyaarrtoyda Liverpool ayaa ku sugan magaalada Salzburg ee waddanka Austria oo ay gaadheen Isniintii, halkaas oo ay tababarka ku qaadanayaan inta uu soo dhowaanayo xilli ciyaareedka.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ula saftay Austria 34 ciyaartoy oo isugu jira kooxda koowaad iyo ciyaartoyda da’yarta, waxaana halkaas kula ciyaari doonaan afar kooxood ka hor inta aanay dhamaanin bishan July.

Kulanka ugu soo horreeya ayaa waxay Liverpool ku ballansan yihiin FC Wacker Innsbruck VfB Stuttgart, waxaanay kaliya ciyaartani socon doontaa 30 daqiiqadood. Kulankan oo dhici doona July 20, ayaa garoon madhan oo aanay wax taageereyaal ahi joogin lagu dheeli doonaa.

Kaddib waxayy Liverpool tegi doonaa garoonka Greisbergers Better-Arena ee magaalada Grodig oo ay July 23 ku kulmi doonaan FSV Mainz waxaana ciyaartan kasoo qayb-geli doona 3500 taageereyaal ah.

Kulanka saddexaad ayaa ka dhici doona garoonka Tivoli Stadium waxaanay foodda isku dari doonaan kooxda reer Germany ee Hertha BSC marka ay taariikhu tahay July 29.

Saxeexa cusub ee Ibrahima Konate ayaa ka mid ah ciyaartoyda kulamadan saaxiibtinimo qaybta ka qaadanaya, sidoo kalena saddexda difaac ee Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa safarka u raacay ciyaartoyda kaddib markii ay kasoo kabteen dhaawacyo muddo siddeed  bilood iyo dheeraad ah ay ku maqnaayeen.

Reds ayaa kulankeeda ugu horreeya horyaalka Premier League waxay November 14 la ciyaari doonaa Norwich City, waxaanay jamaahiirteedu rajaynayaan inay qaadan doonaan xilli ciyaareed ka wanaagsan midkii hore ee ay sida dirqiga ah kulamadii ugu dambeeyey kusoo galeen kaalinta saddexaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More