Bruno Fernandes Oo Qirtay Inuu Qalad Sameeyey Markii Uu

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay inuu qalad sameeyey kulankii Newcastle ay 4-1 ku garaaceen xalay, kaas oo uu ku dooday inuu beddelay qaabkii uu u laagi jiray rikoodheyaasha.

Bruno Fernandes ayaa daqiiqaddii 58aad ee ciyaarta loo dhigay rikoodh, waxaana ka qabtay goolhaye Karl Darlow, laakiin Fernandes ayaa ciyaarta oo 1-1 maraysay waxa uu Manchester United  hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 86aad ka hor intii aanay Aaron Wan-Bissaka iyo Rashford laba gool oo kale ka daba keenin waqtigii dhamaadka.

Laacibka reer Portugal ayaa 10 rikoodhe oo loo dhigay intii uu joogay Premier League dhamaantood wada dhaliyey, waana laacibkii ugu badnaa ee rikoodheyaal dhaliya intii ka dambaysay bishii January ee sannadkan oo dhamaadkeedii uu kusoo biiray Manchester  United.

Isaga oo la hadlayay barnaamijka MOD ee ka baxa BBC-da markii ay ciyaartii xalay soo dhamaatay ayaa waxa uu qirtay inuu si ka beddelan qaabkiisii hore u laagay kubaddii rikoodhaha ahayd ee laga qabtay, waxaanu yidhi: “Horeba mararka qaarkodo ayaan usoo beddelay, laakiin maanta iimayn shaqaynin.

“Waxa aan doonayay inaan kubadda u fogeeyo dhinaca koornaha ee goolka laakiin goolhayaha ayaa sameeyey badbaado wanaaagsan, waanan ugu hambalyeynayaa inuu iga badbaadiyey rikoodhahaygii ugu horreeyey ee Premier League. 11 jeer oo aan laagtay ayaa mid la iga qabtay. Hadda dadku waxay sheegi karaan inaan lumin karo rikoodhaha.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Fernandes tibaaxay in haddii rikoodhaha laga wareejiyo aanay isaga dhib ku ahayn, waxaanu yidhi: “Waxa aan u baahanahay inaan sameeyo wixii u fiican ciyaarta, maana maan ahayn dookha saxda ah laakiin waxba ma leh. Waan khasaariyey rikoodhaha waase in aan ciyaarta xigta horumar sameeyo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More