Thomas Partey Oo Dalbaday In Arsenal Ka Beddesho Lambarka Uu Xidho –

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Thomas Partey ayaa dalbaday in laga beddelo lambarka uu u xidho kooxdiisa, sannad kaddib markii uu uga soo wareegay Atletico Madrid.

Arsenal ayaa 28 jirkan kasoo bixisay lacag gaadhaysa £45 milyan oo Gini oo ahayd lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa, waxaanu soo gaadhay Emirates bishii October ee sannadkii hore.

Laacibkan ayaa yimid Arsenal iyadoo rajo badan laga leeyahay, dadkuna barbar-dhigayaan Patrick Vieira, laakiin ifafaale weyn lagama arag xilli ciyaareedka dhamaaday, waxaanu muddo u jiifay dhaawac.

Laacibkan khadka dhexe ayuu tababare Arteta doonayaa inuu tiir-dhexaad u ahaado kooxdiisa xilli ciyaareedka 2021-22 ee dhowaanta bilaabmi doona kaddib markii uu taam ka noqday dhaawacyada, laakiin laacibkan ayaa isaguna doonaya in laga beddelo lambarka uu u xidho kooxda ka hor inta aanu xilli ciyaareedku bilaabmin.

Thomas Partey ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Arsenal waxa uu xidhay No.18 laakiin kuma qanacsanayn, waxaanu doonayaa in la siiyo lambarka uu aadka u jecel yahay ee No.5 ee uu usoo xidhay Atletico Madrid iyo Real Mallorca.

Sannadkii 2017 ayuu Thomas Partey iska beddelay No.22 uu u xidhan jiray Atletico waxaanu u wareegay No.5 oo uu xidhnaa afartii sannadood ee ugu dambeeyey ee Atletico iyo muddo uu amaah ku qaatay Mallorca.

Markii uu Arsenal ku biiray, lambarka uu aadka u jecel yahay Partey waxa xidhnaa difaaca reer Giriig ee Sokratis Papastathopoulos, waxaanay taasi ku qasabtay inuu qaato No.18

Laakiin hadda ayay fursad usoo baxday, waxaana uu Sokratis galay kaydka xilli ciyaareedkii hore oo aanu u safanin kooxdiisa kulamo horyaalka ah illaa bishii January ay kooxdu ka gaadhaysay go’aan ah in la kansalo qandaraaskiisa, waxaanu si rasmi ah ugu wareegay Olympiacos.

Si kastaba, Thomas Partey ayaa hadda cidlo ka helay No.5 oo iska bannaan, waxaanu doonayaa in kooxdu guddoonsiiso ka hor inta aanu xilli ciyaareedku bilaabmin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More