Waa 17 Sano Jir Mucjiso Ah Waxaana Uu Xalay Jabiyay Rekoodhkii Kaliya

Da’yarka xulka qaranka Poland ee Kacper Kozlowski ayaa xalay rekoodh ka samaystay tartanka Euro isaga oo noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqday tartankaas.

Rekoodhka ayuu hore u haystay Jude Bellingham oo ka tirsan xulka England isaga oo da’yarkaasi rekoodhkaas kaliya lix maalmood kahor dhigay kahor inta uusan u daba marin Kacper Kozlowski oo xalay bedel kusoo galay kulankii dhex maray qarankiisa iyo Spain.

Jude Bellingham ayaa rekoodhka sameeyay kulankii xulkiisa England uu la yeeshay dhigooda Croatia ee furitaanka Group-kooda isaga oo ku dhigay da’da ah 17 sano iyo 349 maalmood.

Si kastaba, rekoodhkaas cajiibka ah ee uu Bellingham kala wareegay daafaca bidix ee ree Holland ee Jetro Williams ayuu isagana kala sii wareegay Kacper Kozlowski.

Kacper Kozlowski ayaa xalay rekoodhka cusub ku dhigay da’da ah 17 sano 246 maalmood, da’yarka ree Poland ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee heer kooxeed usoo saftay kooxdiisa Pogon Szczecin isaga oo kaliya 15 sano jir ah.

Kozlowski oo 35 daqiiqo kulankaas uga soo ciyaaray xulkiisa Poland kaddib markii lagu bedelay Mateusz Klich ayaa dhammaystiray laba baas oo uu sameeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More