Christian Eriksen Oo Dib Ula Midoobay Xiddigaha Denmark & Haddii Uu

Khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Christian Eriksen ayaa markii ugu horreysay si toos ah ula kulmay asxaabta xulkiisa Denmark toddobaad kaddib markii uu garoonka ku dhex dhacay iyadoo xanuun wadnaha kaga soo booday.

Eriksen ayaa booqday xiddigaha kooxdiisa kaddib markii dhawaan laga soo saaray dhakhtarka xaaladiisa lagu dabiibayay iyadoo qaliin guuleystay lagu sameeyay.

“Dhab ahaan waxay ahayd wax weyn ah inaan arko wiilasha kaddib markii ay si cajiib ah u ciyaareen xalay (Kulankii Belgium)” ayuu warbixin rasmi ah ku yidhi Eriksen.

Xiddigaha kala ah Christian Norgaard iyo Andreas Skov Olsen ayaa kamid ahaa xiddigaha la kulmay Eriksen waxaana ay muujiyeen dareenkooda ah inay si fool ka fool ah u arkeen saaxiibkood.

Wali waa xilli hore in laga hadlo mustaqbalka kubadd cagta ee Eriksen iyo haddiiba uu abid dib u ciyaarayo markale blse xaqiiqada ah in Daley Blind uu hadda si caadi ah u ciyaaro ayaa rajo weyn siinaysa.

Blind ayaa laga helay xaalad wadne xanuun kaddib markii uu dawakhaad la kulmay intii uu socday kulan Champions League ahi sanadkii 2019.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More