AKHRISO Qisadan: Memphis Oo Sharaxaya Sababta Uu U Neceb Yahay In

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ugu dambayn dhammaystirtay saxeexa weeraryahanka Dutch-ka ah ee Memphis Depay oo ay ka saxeexdeen heshiis gaadhsiisan ilaa 2023 oo laba sano ah.

Depay ayaa noqonaya durba saxeexii afraad ee ay Barcelona ka samayso suuqa xagaaga ee sanadkan waxaana uga horreeyay Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Riyal.

Haddaba, kaddib heshiiska uu ugu wareegay Camp Nou, waxa dib loo milicsaday hadal uu mudo kahor yidhi ciyaaryahankaasi oo la xidhiidha qoyskiisa gaar ahaan aabihii oo uu khilaaf u dhaxeeyo.

Depay ayaa sanadkii 2012 go’aan ku gaadhay inuusan sheegay aabaha dhalay ee Dennis Depay sababta ayaana ah in Dennis uu ka tagay Memphis markii uu kaliya afar sano jiray taasina ay ku sababtay dhibaatooyin badan oo nolosha carruurnimo kusoo qabsaday.

Depay ayaa dhabarka ku qorta magaciisa shaqsiga ah ee Memphis isaga oo diiday magaca qoyskiisa, xiddigan asal ahaan kasoo jeeda dalka Ghana ayaa sheegay inuusan abid cafin doonin aabihii.

“Anigu waligay ma cafin doono, ha iigu wicina Depay ee iigu waca Memphis” ayuu yidhi Memphis oo waraysi siinayay BBC Sport.

“Maya, ma doonayo inaan si toos ah u sharaxo wixii ka dhacay guriga sababtoo ah ma doonayo inay dadku dareemaan yaq-yaqsood, sidaasina waa sida ay ahaan doonto sababtoo ah xilli hore ayaan ka gudbay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More