Xaqiiqooyinkii, Rikoodhadii Ceebta Ahaa, Laba Ciyaartoy Oo Fadeexad

Laba gool oo ay iska dhaliyeen Ruben Dias iyo Guerreiro oo lagu daray laba ay saxeexeen Havertz iyo Gosens ayaa Jarmalka ka caawiyey inay guul 4-2 ah ka gaadhaan Portugal oo gool kala hormaray.

Labada gool ee Portugal waxa dhaliyey Ronaldo iyo Diogo Jota.

Rikoodhadii liitay ee la diiwaangeliyey

Portugal ayaa noqday waddankii ugu horreeyey ee isagoo koobka Euro difaacanaya laga dhaliyo afar gool hal kulan gudihii taariikhda tartanka qaramada Yurub.Germany waxa uu noqday xulkii ugu horreeyey ee tartanka Euro hal kulan gudihii dhaliya laba gool, laba kalena ka hela kooxda kasoo horjeedda.Tartanka Euro ee socda, shan gool ayay ciyaartoydu si qalad ah kooxahooda uga dhaliyeen. Waxay laba gool ka badan tahay intii ciyaartoydu kooxahooda sida qaladka ah iskaga dhaliyeen tartamadii hore ee Yurub. Kulankii Portugal ayaa ahaa midka ugu xumaa ee laba gool ay iska dhaliyeen abid tartankan.Xiddiga reer Portugal ee Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 19aad ee isku-darka Koobka Adduunka iyo Euro. Ma jiro ciyaartoy taariikhda tiro intaas le’eg ka dhaliyey isku-darka labadan tartantan marka laga reebo halyeygii Germany ee Miroslav Klose oo 15 koobka adduunka ah iyo 4 Euro ah dhaliyey.Kai Havertz oo 22 jir ah ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Jarmal ah ee gool u dhaliya dalkiisa kulan weyn oo Euro ama Koob Adduun ah, tan iyo intii ka dambaysay Thomas Muller oo sannadkii 2010 gool ka dhaliyey koobkii Adduunka iyadoo ay da’diisu ahayd 20 sannadood iyo 300 maalmood jir.Ciyaartoydii u liitay garoonka

Ruben Dias iyo Guerriero oo difaaca uga ciyaarayay Portugal ayaa iska dhaliyey min hal gool, waxaanay noqdeen ciyaaryahannada ugu liitay isku-darka labada xul. Qiimaynta ay ciyaartan ka heleen ayaa ahayd min 4 mana jirin ciyaartoy kale oo sidaas u liitay.

Ciyaaryahanadda Portugal ayaa iska wada liitay qiimayn ahaan marka laga reebo Jota iyo Ronaldo oo min 7 ka helay qiimaynta ciyaarta.

Xiddigii garoonka

Weeraryahanka reer Germany ee Robin Gosens ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa kaddib markii uu ku lug yeeshay saddex gool oo dalkiisu dhaliyey, mid kale oo afraad oo uu isagu bilowgii saxeexayna laga diiday.

Robin Gosens ayaa madax ku dhaliyey goolka afraad ee dalkiisa, waxaanu caawiye ka ahaa goolkii Kai Havertz, halka kubadduu uu Ruben Dias iska dhaliyey uu isagu soo laaday.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada xul

Portugal: Patricio (5), Semedo (5), Dias (4), Pepe (5), Guerreiro (4), Carvalho (5), Danilo (5), Bernardo Silva (6), Fernandes (6), Jota (7), Ronaldo (7).

Beddelka: Sanches (7), Moutinho (6), Rafa (5), Andre Silva (N/A)

Germany: Neuer (6), Ginter (6), Hummels (7), Rudiger (6), Kimmich (8), Gundogan (5), Kroos (7), Gosens (9), Havertz (8), Muller (8), Gnabry (8).

Beddelka: Halstenberg (6), Sule (6), Can (6), Goretzka (7), Sane (N/A)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More