Waayihii Paul Pogba Ee Man United Oo Soo Dhammaaday & Kooxda Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo xulka France ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu ka huleelayo kooxdaas xilli wakiilkiisa Mino Raiola uu kulan la qaatay madaxweynaha Paris Saint-Germain ee Nasser El Khelaifi.

Heshiiska uu Pogba ku joogo Old Trafford ayaa ah mid hal sano oo kaliyi ka hadhay waxaana haatan aan wax horumar ah laga samaynayn wadahadalada heshiis kordhinta ee u dhaxeeya Raiola iyo United.

Pogba ayaa kamida xiddigaha ugu muhiimsan safka tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo 42 kulan usoo ciyaaray Red Devils xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Pogba ayaa ahaa mid mudo dheer doonayay inuu iskaga tago Man United iyadoo kooxdiisii hore ee Juventus ay in mudo ah u muuqatay meesha ugu macquulsan ee uu u wareegi karo.

Walow ay wali jirto fursad uu Allianz Stadium ugu laaban karaa haddana haatan ayay PSG u muuqataa mida hoggaanka u qabatay loolanka saxeexiisa loogu jiro.

Pogba ayaan wali heer kooxeed uga soo ciyaarin horyaalka dalkiisa France iyadoo Juventus iyo Man United ay yihiin labada kooxood ee kaliya ee uu maaliyadooda soo xidhay.

28 sano jirkaas ayaa ah mid kamida xiddigaha ugu muhiimsan xulka Les Bleus isaga oo kula soo guuleystay Koobkii aduunka ee 2018 isla markaana hadda wacdarro ka dhigaya Euro 2020.

Hubaashii haddiiba ay sameeyaan saxeexa ciyaaryahan ah meeqaamka Pogba ayay wax weyn ka tari doontaa qorshahooda dib u dhiska kooxda oo xilli ciyaareed niyad jab leh soo qaadatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More