Croatia Oo Dhibic Ay U Dagaallantay Kaga Badbaadday Inay Ka Hadho Euro

Xulka qaranka Croatia ayaa barbarro uu u dagaallamay waxa uu la galay Czech Republic oo rikoodhe waqti hore ka dhalisay, waxaanay sidaas kusoo nooleeyeen rajadooda ah inay kusii jiraan tartanka iyagoo 1-1 ku dhamaystay.

Croatia ayaa qaybtii hore lagu dhigay rikoodhe kaddib markii uu Lovren wajiga gacanta kaga dhuftay weeraryahanka da’da yar ee Patrik Schick, waxaana rikoodhahan oo laga soo daawaday VAR ku laagtay Patrik Schick oo dhaliyey goolkiisii saddexaad ee tartanka qaramada Yurub oo laba kulan ay ciyaareen.

Czech Republic ayaa weerar halis ah soo bandhigtay qaybtii hore, waxaanay taasi keentay in Croatia ay laba beddel sameyso waqtigii nasashada.

Qaybtii labaad ayay Croatia ciyaar fiican muujisay, waxaana caawiyey labada beddel ee tababare Zlatko Dalic uu waqtiga hore sameeyey, kuwaas oo soo tiiriyey khadka dhexe, sarena u qaaday culayska ay ku hayeen afka hore.

Ivan Perisic ayaa daqiiqaddii 2aad ee qaybta dambe goolka barbarraha u dhaliyey xulka qaranka Croatia, isagoo kubbad uu dhinaca bidix kala soo galay ku toogtay goolhayaha oo kubbadda oo hortiisa maraysay gacanta la waayey.

Xulka qaranka Croatia ayaa helay fursado fiican oo ay goolal kale ku dhalin karayeen qaybtii dambe, balse kama aanay faa’iidaysanin.

Sidaas oo kale, Czech Republic oo afkeeda hore ee weerarku si fiican u shaqaynayeen ayaa khatar badan abuurtay labadii qaybood ba, balse waxay awoodi waayeen inay wax ka beddelaan natiijada ay ciyaartu ku dhamaatay.

Group D, ayaa waxa hoggaanka u qabtay Czech Republic oo yeeshay afar dhibcood, haddii ay caawa badan lahaayeenna si toos ah ugu gudbi lahaa wareegga waxaana ku xiga Ingiriiska oo leh saddex dhibcoo laakiin mar dhow la ciyaari doona Scotland, waxaanay England haysataa fursad ay ugu gudubto wareegga xiga haddii ay badiyaan.

Croatia ayaa iyaduna leh 1 dhibic, waxaanay rajadoodu ku xidhan tahay kulanka ugu dambeeya garoupkan ee ay wada ciyaari doonaan England iyo Czech, taas oo ay u baahan yihiin in goolal badan lagaga badiyey Czech, iyaguna ay soo tumaan Scotland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More