RASMI: Spain Oo Dib U Helay Sergio Busquets Kaddib Fayraska Korona Ee

Xulka qaranka Spain ayaa dib u helay laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets, kaad oo ku biiray ciyaartoyda kale oo uu tababarka la bilaabay Jimcihii maanta.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa shaacisay, in Sergio Busquets laga waayey COVID-19 baadhitaankii guu dambeeyey ee Khamiistii lagu sameeyey, taasina ay u ogolaanayso inuu tababarka kusoo laabto oo uu ciyaartoyda kale qayb ka noqdo, isla markaana isku diyaariyo kulamada soo socda.

Sergio Busquets ayaa karantiil la geliyey June 6, shan maalmood ka hor intii aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub, laakiin 12 maalmood kaddib ayaa baadhitaankii ugu dambeeyey ee tiro dhawr jeer ah oo la baadhay, waxa lagu xaqiijiyey inuu bogsaday oo uu taam ka yahay xanuunka.

Kubbad-burburiyaha Barcelona ayaa qayb ka noqon doona kulanka Sabtida ee xulka Spain uu magaalada Seville kula ciyaarayo Poland, laakiin waxa la filayaa in aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda kusoo bilaabanaya iyo kaydkaba, maadaama muddo laba toddobaad ah aanu tababar samaynin oo uu karantiil ku jiray.

Spain ayaa ciyaartoodii ugu horreysay ee tartanka Euro waxay barbarro goolal la’aan 0-0 ah la galeen Sweden oo ay ku wada jiraan Group E.

Tababare Luis Enrique ayuu walaac badan ku abuurmay kaddib markii Busquets uu Korona ku dhacay, isla markaana karantiil la geliyey Diego Llorente oo looga shakiyey Fayraska balse loo ogolaaday inuu kusoo laabto xulka kaddib baadhitaan dambe oo xaqiijiyey in aanu fayrasku haynin.

Xulka qaranka Spain ayaa lagu soo daray tiro ciyaartoyda kooxda da’yarta ee 21 jirrada cabsida fayraska Korona darteed, laakiin hadda ayuu tababare Enrique dib u helayaa kalsoonida.

Dhamaan ciyaartoyda xulka ayaa la tallaalay maalmo ka hor intii aanu Fayrasku bilaabmin, waxaanay taasi meesha ka saartay cabsidii badnayd ee haysay.

Busquets ayaa waxa beddelay Rodri Hernandez oo difaaca dhexe ka ciyaaray kulankii furitaanka ee Sweden, waxaanay taasi keentay in kabtanka xulka uu ahaado Jordi Alba maadaama Busquets oo kabtanka ah uu maqnaa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More