WAR BUUXA: Gini Wijnaldum Oo Doortay Sababtii Uu PSG Uga Doortay

Khadka dhexe ee xulka qaranka Netherlands ahna saxeexa cusub ee kooxda Paris Saint-Germain ee Georginio Wijnaldum ayaa sidii laga sugayay u bayaamiyay sababtii uu kooxda caasimada France ugu biiray ee uu ugu gacan saydhay Barcelona.

Wijnaldum ayaa ahaa ciyaaryahan ay Barcelona saxeexiisa isa siisay oo ay filanaysay inuu u wareegayo kaddib mudo dheer oo ay raadinaysay kahor inta aysan PSG xilli dambe soo dhex galin wadahadaladii u dhaxeeyay.

Paris ayaa kula heshiisay Wijnaldum sanadkii mushahar 10 Milyan oo euro ah waana lacag sida la sheegay laba jibaar ka badan midii ay Barcelona kula heshiisay markii hore.

Gini oo isagu sababta sharaxaya ayaa sheegay inay Paris Saint-Germain isaga usoo bandhigtay mashruuc ka fiican midka Barcelona balse uu go’aanku ahaa mid adag maadaama oo uu Barca mudo bil ah wadahadalo kula jiray.

“Waxa uu ahaa go’aan adag, waxaan wada xaajood kula jiray Barcelona afar toddobaad” ayuu ugu horreynba yidhi 30 sano jirka Dutch-ka ahi.

“PSG ayaa ahayd mid wax yar ka dhakhso badan (Barcelona) mashruucooda ayaa noqday mid isoo jiitay, waxa uu ahaa go’aan adag sababtoo ah Barcelona aad ayay ii xiisaynaysay aniga”

“Iyagu waa laba kooxood oo waaweyn, waad jeclaan lahayd inaad labadaba u ciyaarto balse ugu dambayn PSG ayaan doorta, culays ayaa igaga dagay inaan awooday inaan go’aan gaadho tartanka (EURO) kahor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More