Maxay Tahay Sababta Uu Daafaca Dhexe Ee Leicester Ee Wesley Fofana U

Daafaca dhexe ee kooxda Leicester City ee Wesley Fofana ayaa ka hadlay sababtii uu u xidhay maaliyada kooxda Arsenal iyadoo sawir laga soo qaaday uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Daafaca French-ka ah ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ku qaatay horyaalka Premier League, inaan lagu darin tartamayaasha abaalmarinta da’yarka sanadka ee horyaalka ayaa ahayd mid layaab leh.

Fofana ayaa suuqii xagaaga ee 2020 Leicester heshiis 30 Milyan oo pound ah ugaga soo biiray dhinaca kooxda Saint Ettiene isaga oo soo dhalaalay xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Fofana ayaa hadda fasaxiisa xagaaga ku raaxaysanaya isaga oo jooga dhinaca magaalada Dubai isaga oo tartanka Euro ee xiddigaha 21 sano jirka ah ama ka yar ku seegaya dhaawac garabka ah oo gaadhay.

Haddaba, Fofana oo bartiisa Twitter-ka ku sharraxay waxa u xidhay maaliyada Arsenal ayaa ku sheegay sababtoo ah inay khiyaameen qaar kamida asxaabtiisii hore oo uu kulan saaxiibtinimo kala qayb-galay isla markaana ay maaliyada kala bedesheen.

Wesley oo sharaxaad bixinaya ayaa soo qoray “Hagaag asxaabeey, waxa i khiyaameeyay asxaab hore oo ii xidhay maaliyada Arsenal”

“Waxaan ciyaaray kulan kubadda cagta ah (Aniga oo tababare ah waayo ma ordi karo) asxaabta qaar ayaanu dhammaadkii maaliyadaha kala bedelanay”

“Waxa laygu sawiray wax aan moodayay meel aniga ii khaas ah, dhab ahaan kumaan fikirayn in ciyaar saaxiibtinimo iyo kaftan ay ku dhammaan doonaan baraha bulshada”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More