Chelsea Oo Kaalinta 4aad Ku Dhamaysatay, Leicester Oo Lumisay Fursad

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa usoo baxday tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe iyadoo ku dhamaysatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, waxaana kaalinta shanaad gashay Leicester City oo guul-darro kala kulantay Tottenham oo ay goolal kala  hormartay.

Chelsea ayaa guul-darro 2-1 ah kala kulantay Aston Villa oo ay marti u ahayd, waxaase nasiib-wanaag caawisay Tottenham oo guul soo laabasho ah ka gaadhay Leicester City oo guul gacanteeda ku jirtay xajisan kari wayday.

Horyaalka Premier League oo si aad ah loogu xafiiltamayay kaalmaha saddexaad iyo afraad oo ay saddexda kooxood ee Chelsea, Liverpool iyo Leicester ku dagaallamayeen, ayaa waxa kaalinta saddexaad timid Liverpool oo 2-0 kaga badisay Crystal Palace, halka Chelsea oo guul-darraysatay ay ku dhamaysatay kaalinta afraad.

Leicester City oo u baahnayd in ay guuleysato si ay uga sare marto Chelsea, ayaa waxa 4-2 ku burburisay Tottenham, iyadoo goolasha Tottenham ahaayeen kuwo waqti dambe yimid.

Daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore ayay Aston Villa soo taabatay shabaqa Chelsea, waxaana gool cajiib ahaa ka dhaliyey Bertrand Traore oo hore ugu ciyaari jiray Chelsea. Laacibkan ayaa noqday ciyaartoygii 25aad ee hore ugu ciyaaray Chelsea ee gool ka dhaliye Blues, taas oo noqotay wax aan hore uga dhicin horyaalka Premier League.

Isla markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay laba daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Aston Villa loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Jorginho qalad ku galay Traore oo xerada ganaaxa ku jira, waxaanu garsooraha ciyaartu markiiba tilmaamay in rikoodhe lagu laagto. El Ghazi ayaa gool u sarrifay rikoodhahaas, iyadoo uu ciyaartana ka dhigay 2-0.

Laakiin Chelsea ayaa daqiiqaddii 70aad heshay gool uu u saxeexay difaaca bidix ee Ben Chilwell, laakiin Blues ayaa awoodi weyday in ay gool kale la timaaddo, waxayse sidaas ugu dhamaysatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.

Leicester City ayaa iyaduna lumisay fursad weyn iska lumisay, waxaanay heshay gool rikoodhe ah oo waqti hore ay ka dhalisay Tottenham oo iyaduna heshay barbarraha isla qaybta hore. Leicester City ayaa mar kale hoggaanka ku qabatay rikoodhe kale, laakiin waxa loogu beddelay saddex gool oo kale, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-4 ay guushu ku raacday Tottenham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More