Sarkaal ka tirsan madaxtooyada HirShabeelle oo lagu dilay dagaallo ka dhacay Jowhar – Axadle

Muqdisho (Axadle) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaalada.

Dagaalkan oo ka dhacay degmada Hanti-Wadaag ee magaalada ayaa yimid kadib markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Macawisley ay soo weerareen fariisin ay halkaas ku leeyihiin ciidamada amniga oo hub kala duwan wata.

Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay dagaalka, sidoo kale waxaa isaguna ku dhaawacmay Ciise Nuur oo ah Sarkaalka hab maamuuska Madaxtooyada Hirshabelle.

Shilalka ayaa lagu soo waramayaa inay intaas ka badanyihiin, laakiin ma jiro wax faah faahin ah oo ilaa hadda laga bixiyay laamaha amniga ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa wali kacsan waxaana dhinacyada dagaalamay ay isku horfadhiyaan qeybo kamid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh / dhexe.

Dagaalkan ayaa daba socda xariggii taliyaha maleeshiyada Macwise Yuusuf Macallin (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartooda, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la qabtay oo lacago baad ah looga qaaday gawaarida.

Sikastaba, magaalada Jowhar ayaa durba la daalaa dhaceysay saameynta fatahaada wabiga shabeelle uu ka sameeyay magaalada iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More