Paul Scholes Oo Saadaaliyey Kooxda Uu Gool-dhaliye Harry Kane U

Halyeygii khadka dhexe ee reer England ee Paul Scholes ayaa saadaal ka bixiyey kooxda uu weeraryahanka reer England ee Harry Kane u wareegi doono xagaagan, kaddib markii uu kooxdiisa ku wargeliyey in uu doonayo inuu ka tago.

Manchester United, Manchester Metropolis iyo Chelsea ayaa lala xidhiidhinayaa gool-dhaliyahan oo sidoo kale ay xiisaynayaan kooxo dibedda ah, laakiin waxay wararku sheegayaan in uu doonayo in uu sii joogo horyaalka Premier League, taas oo farxad gelinaysa kooxaha Ingiriiska.

Paul Scholes oo ka hadlay laacibkan, ayaa waxa uu sheegay in ay layaab ku noqon doonto haddii Harry Kane uu ku biiro Manchester United xagaagan, waxaanu hoosta ka xariiqay in ifafaalaha muuqda aanay muujinayn in Purple Devils ay lasoo saxeexan karayso Kane.

Scholes waxa kale oo uu tilmaamay, in Manchester United oo dhowaan heshiiska u kordhisay Edinson Cavani oo sannad kale sii joogi doona Previous Trafford ay adag tahay inay ogolaato inay bixiso ugu yaraan £100 milyan oo Gini oo laacibkan ay Tottenham ku xidhayso.

“Waxaanu sannad kale haysanaa Cavani. Miyaan layaabi doonaa haddii Kane uu yimaaddo halkan? Xoogaa layaab ayay igu noqon doontaa, sababtoo ah, waxay Untied sannad kale la saxeexatay Cavani.” Ayuu yidhi Paul Scholes.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Scholes yidhi: “Waan jecelahay Kane, waxaanu noqon karaa weeraryahankayaga afarta ama shanta sannadood ee soo socdota, sidaa  darteed, haddii la heli karayo kooxduna ay doonayso, waxa aan hubaa in Ole uu jeclaan lahaa inuu helo.

“Laakiin waxa jira kooxo kale oo ku tartamaya, umana malaynayo in Manchester United ay heli doonto.”

Waxa kale oo uu ka hadlay qiimaha Harry Kane ay Tottenham ku iibin doonto, waxaanu yidhi: “Ilama aha in Daniel Levy uu ku iibin doono {Kane} waxa ka yar £90 milyan oo Gini. Waxay ila tahay inuu ka badan doono, waxaanan qiyaasayaa inuu dhaafi doono £100 milyan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More