RASMI: Guuleystaha Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Ee Man United Ee Sir

Kubad sameeyaha ree Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee kooxda Manchester United ee Sir Matt Busby isaga oo hantay abaalmarintaas sanadkii labaad oo xidhiidh ah.

Bruno ayaa kaga guuleystay xiddigaha kooxdiisa ee Luke Shaw iyo Edinson Cavani isaga oo ku hantay farqi aad u weyn oo u dhaxeeyay Shaw oo booska labaad hantay.

Bruno ayaa codka taageerayaasa Crimson Devils helay 61% halka daafaca bidix ee ree England uu helay 23% iyadoo dhaliyaha ree Uruguay-na uu helay cod 6% ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More